|

R/wasaaraha Soomaaliya oo ku sii jeeda Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya, Maxay Tahay Sababata?

Muqdisho April 02 2013 (SDN)— Warar hoose oo aan ka helnay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku xog waramaya in Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu beri ku sii jeedo Magaalada Jabuti ee caasimada dalka Jabuuti.

Ujeedka socdaalka Ra’iisul wasaaraha oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa waxaa la sheegayaa in uu salka ku hayo sidii uu Madaxda dalkaasi ugala hadli lahaa arrimaha Soomaaliya iyo xiriirka labada dal.

Cabdi Faarax Shirdoon ayaa socdaalkiisa Jabuuti uga sii talaabi doona Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia, halkaasi oo uu kula kulmi doona dhigiisa Ethiopia Heyla Maryam Deselin.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay in Ethiopia uu weydiisan doono in ay Ciidamadeeda dib ugu soo celiso Meelihii ay baneeyeen ee Bay iyo Bakool, waxaana uu sidoo kale codsan doonaa ciidamo kale oo dheeraad ah oo gacan siiya kuwa dowladda Soomaaliya.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya sidoo kale lagala hadli doono Isku Shaandheynta Golaha Wasiirada Lagu Sameyn doono 18-bishan sida qorshuhu yahay, iyadoo dowladda Ethiopia ay soo sheegan doonto dadka u matali doona.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaa in Ra’iisul wasaaruha intaasi kaddib uu u gudbi doono Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya si uu Madaxweynaha cusub ee Kenya ugala hadlo arrimo ku aada dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Kenya waydiisan doona in aysan u gacma qaban dowladda Soomaaliya Axmed Madoobe oo ku tiirsan Kenya, islamarkaana diiday in uu aqoonsado dowrka dowladda Soomaaliya ay ku leedahay Gobolada Jubooyinka.

Xogtana aan ka helnay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa ah mid hordhac ah oo aan Rasmi aheyn, waxaana lagayaabaa in dib u dhac uu kuyimaado safarka R/wasaarah, inkastoo naloo xaqiijinayo in sida ugu dheqsiyaha badan uu ku bixidoono.

Hadii ay dhacdo in Cabdi Faarax Shirdoon uu u kicitimo dalka dibadiisa waxa ay noqoneysaa markii ugu horeysay tan iyo intii la soo magacaabay, waxaana taasi ay meesha ka saareysaa warar sheegayay in R/waasaraha iyo Madaxweynaha oo mar dhexdaas ah isku dhacay ay ku heshiiyeen in Madaxweynaha howlaha dibada uu qabto halka Cabadi Faaraxna loo dhaafay arrimaha gudaha.

Xigasho: Siyaasiyiin Ku Dhaw Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

Comments are closed