Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Hay’ada Ifad ka Gudoomay 15 Gaadhi oo Sadex Wasaaradood loogu talo galay {DHAGAYSO}
Hargaysa 02.April (SDN) Madax weyne ku xigeenka jSL md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta ka Gudoomay hay’ada IFAD deeq ka kooban Shan iyo Toban gaadhi oo hay’adaasi ugu deeqday Wasaaradaha Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Caafimaadka.
Munaasibadan oo lagu qabtay xarunta wasaarada beeraha ee Magaalada Hargeisa ayaa Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ku wareejiyey masuuliyiintii wasaaradahaasi gaadiidkan oo loogu talo galay inay ku hawl galaan mashaariicda kala duwan ee wasaaradahaasi ku Hawlanyihiin.
Hadal uu munaasibadaasi ka jeediyey madaxweyne ku xigeenku waxa uu uga mahad celiyey hay’ada IFAD deeqda gaadiidkan oo uu sheegay inay wax ka tari doonto adeegyada kala duwan ee wasaaradahaasi u hayaan bulshada waxana uu kula dardaarmay masuuliyiinta wasaaradahaasi iny xil iska saaraan daryeelka gaadiidkaasi si ay u daboolaan baahiyaha loogu talo galay .
Wasiirada wasaaradaha Beeraha, xanaanada xoolaha,iyo caafimaadka oo deeqdan gudoomay ayaa waxa ay uga mahad naqeen hay’ada IFAD deeqdaasi iyaga oo ku tilmaamay inay tahay deeqdii ugu balaadhnayd ee nooceeda ah intii xukuumadani jirtay ay ka helaan hay’adan.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/IFAD1.mp3″]
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com