Weerar Dad Badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Peshawar ee dalka Pakistan
Peshawar April 02 2013 (SDN)– Ku dhawaad 7 ruux ayaa ku dhimatay kadib weerar ruxay xarun koronto oo ku taala magaalo dhanka waqooyiga ee dalka Pakistan ee Peshawar ,waxaana weerarka geystay darasiin kooxo hubaysan.
Booliska ayaa intaasi ku daray in siliga saldhiga korontada qeybiya gabi ahaanba uu ku burburay shilka waxaana la shegayaa in deegaanka koronto la’an ay soo wajahday.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka inay ka dambeysay laakiin ururka Taliban ayaa waayahaan dagaalo ka waday gobolka.
Afhayeenk u hadlay shirkada korontada Peshawar Peshawar Electricity Supply Company (PESCO ayaa sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay dileen afar ka tirsan shaqaalaha iyo seddex booliska ka tirsanaa.
“Hal ka tirsanaa shaqaalaha Shirkada iyo hal askari oo boolis ah ayaa ku dhintay goobta,kadib mintidiinta waxay afduubteen 7 shaqaalaha ka tirsan iyo seddex boolis ah,waxyar kadib waxaan aragtay jirka seddex
shaqaalaheena ka mid ahaa oo masuuliyiin sar sare ahaa iyo labo booliska ka tirsanaa”ayuu yiri afhayeenka u hadlay shirkada.
Afar ka tirsan Shaqaalaha shirkada iyo hal biilis ah ayaa walli maqan.
Marka la eego dalkaasi waxaa jirta baqdin xoog leh oo laga qabo in la carqaladeeyo doorashooyinka bisha May ka doonayo inay ka dhacdo dalka Pakistan.