|

Kulan Amaanka Gobolka Hiiraan Looga Hadlayay oo ka dhacay xalay Baladweyne

Baladweyne April 02 2013 (SDN)— Ujeedka kulanka ayaa ahaa ka hadlida ammaanka Gobalka Hiiraan deeganada ay gacanta ku hayso Dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM.

Iswareysiga dhanka ammaanka ah ee Gobalka Hiiraan ayaa todobaadkiiba ciidanka AMISOM iyo maamulka Gobalka Hiiraan ay isugu yimaadaan Gobalkaasi iyadoo la isku wargelinayo waxyaabaha Gobalka kusoo kordhay.

Maxamed Macalin Yuusuf Garabeey madaxa arimaha Bulshada ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka saraakiishana ay ku kala warqaadan lahaayeen.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlay ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay sugidda dhanka ammaanka waxkalena aan shirka looga hadlin.

Gobalka Hiiraan qeyb kamid ah waxaa maamula Dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM halka qeybkalena ay maamulaan Xoogaga Dowlada ku kacsan ee Al-Shabaab.

SDN-Baladweyne

Comments are closed