Maxaa keenay in wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland uu u raro wadahadaldii Soomaaliya iyo Somaliland Turkiga,mise xaalku waxa uu ahaa uun April Fools’Day?
Hargeysa April 02,2013(SDN)-Wasiirka wasaarada arrimaha dibedda ee Jamhuuriyada Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar ayaa shalay shaaca ka qaaday in wadahadaldii Somaliland iyo Soomaaliya ee hore uga socday dalka Britain loo raray dalka Turkiga.
Wasiirku Waxa uu sheegay in Dawlada Turkigu ay labada dhanba u fidisay gogol wadahadal oo ay labada dhanba aqbaleen.
Xukuumada Somaliland ee haatan jirtaa ee uu madaxweyne Axmed Siilaanyo hogaamiyo ayaa sida dhabta ah ee jirtaahi ku guul dareysatay in ay xiriirkii soo jireenka ahaa ee reer Somaliland ay la wadaageen Britain uu meeshaba ka baxo.
Sidoo kalena ay madaxda Soomaaliyana ay haatan Britain la wadaagaan cilaaqaad siyaasadeed oo aan hore labada dal ebid u soo marin.
Waana taa ta keentay in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland “Dr” Maxamed C.laahi Cumar uu goaan aan cid la ogi jirin ku sheego in Wadahadaldii Somaliland iyo Soomaaliya loo raray Turkiga.
Hadii Goaankani yahay mid u jira sidii Wasiirku u shaaciyay,waxa ay aheyd in Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ummadda u sheego in Turkiga ay kala soo hadleen in wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya dalkooda loo rarayo.
Waxaase muuqata in Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland “Dr” Maxamed C.laahi Cumar uu warkaasi ku weyneynayay uun maalinta beenhawaasnimada ee loo yaqaano “April Fools”
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland ayaa haatan u muuqda shakhsi dhaleeceen badan ka dib doonaya in uu isu muujiyo mujtamica uu dhawrka sano kaga lumiyay siyaasadaha afgobaadsiga aan dhaafsiisneyn ee isaga uun ku kooban.
Wasiirka waxa la gudboon in uu talada dalkala wadaago Golleyaasha Qaran iyo ashqaasta aqoonta siyaasadeed ee caalamka ku dhaanta,si loo daba qabto wasaaradan gebiga kala sii dheceysa masiirkii ummadeed.
Sidoo kale waxa iyana muhiimadeeda leh in aan Wasiiirka iyo Xukuumadaba aan loo Mucaaridin uun waxbaa la mucaaridaaye xaalka dhulka la dhigaa oo si miyir leh dalka loo wada bedbaadiyaa.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com