Taageerid Bannaanbaxa Jaaliyadaha Somaliland ee Brussels,Belgium
London April 02,2013(SDN)-Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSl wuxu hambalyaynayaa ururka jaaliyadaha Somaliland ee SSE iyo guud ahaan qurbajoogga Somaliland ee u ballansan bannaanbaxa ballaadhan ee 11thApril, 2013, Brussels, Belgium oo laga samayn doono xarunta baarlamaanka Europe horteeda kaasoo qayb ka ah mawqifka Somaliland ay ka taagantahay shirka Somalia loogu qaban doono London 7 th May, 2013.
Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL wuxu si weyn u taageerayaa qorshaha bannaanbaxa ballaadhan ee ururka Jaaliyadaha Somaliland SSE (Somaliland Society in Europe) ee lagu muujinayo rabitaanka mujtamaca Somaliland iyo qadiyadda gooni isutaagga Jamhuuriyadda Somaliland ee ku began 11th April, 2013 Brussels, dalka Belgium.
Illaa iyo aas’aaskii fikirkii dhaqdhaqaaqii ay bulshada Somaliland dib ugu la soo noqdeen madaxbannaanidooda 18 May, 1991 iyo illaa maanta qurbajoogga Somaliland waxay ahaayeen qaar kaalin weyn oo mug leh kaga jira qadiyadda ictiraafka Somaliland iyo guud ahaan geedi socodka horumarka dalka JSL taasoo ku xardhan sooyaalka taariikhda Somaliland.
Waxan sidan ugu gudbinayaa SSE iyo guud ahaan Jaaliyadaha Somaliland hambalyada, dhiirrigelinta iyo taageerada buuxda ee Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL iyo guud ahaan xukuumadda JSL idiin ku hayso go’aanka bannaanbaxa 11th April, 2013 iyo Brussels, waxanan guddoomiye ahaan ku rajo weynahay inaan maalintaas taariikhiga ah idin kala qaybqaato haddii Alle idmo.
Hambalyo Qurbajoogga Somaliland
Guul Gooni Isutaagga Somaliland
Maxamuud Cabdiraxmaan Cali
Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyada Somaliland