Jacaylka aan u hayo Nabada iyo Midnimada Dalka
Mawduuc ku socda dhamaan dad ka Somalida ah, sidaan u jeclahay nabada iyo midnimada wadankayga, Suurta galnimada inay taas dhacdo mar dhaw waxaana loo yaqaan Federalism taas oo aan caawinayn. Wadamada ka faa’iidaysan kara federalism ka waa wadamada dada ku Hadlaan luuqada kala Duwan, diimo kala duwan tusaale ahaan cadawgeena ugu Wayn ee Ethiopia, danbiile males Zanawi wuxuu ku riyoon jiray in Somalia ay noqoto federal state wuxuu badali jiray AMA Maskaxda ka badali jiray siyaasiyiinta somalia. Intaas ka dib gobol kasta Wuxi ka hor keeni jiray gobolka kale. Waxaana ka niyad jabay siyaasiyiinta somalida maalintii aaskii males Zanawi dhamaan siyaasiyiinta Somalida way Ka qayb galeen, anigoo ah cunug ku Koray dagaalkii 1977ma u malaynaynin in aan arki doono maalintan oo kale, Hadana siyaasiyiinta somalida waxay ku guul daraysreen inay xusaan kuwii usoo dagalamay xoriyada sidaa darteed ku waayay naftooda iyo ciyaalka ku agoomoobay iyo waliba dumarka ragooda ku waayay.
Maanta wadanka kor iyo hoosba waxaa jira rag iyo Dumar halgan ku jira, Hadana ma aragno dawlad muqdisho joogta ama siyaasi hargaysa ama growe jooga oo caawinaya oo Ayaa khusayso arintaas.
Awooda Qurba joogta Somalida ma aha mid midaysan, waxayna aad uga daranyihiin xaga khilaafka AMA kala qaybsanaanta Kuwa jooga wadanka oo kala qaybiyay qabiilka iyo agoon la aanta, kuwaas oo wajahaaya masuuliyadooda.
Tusale ahaan markii madaxwaynaha haya xilka hada uu booqanayay London iyo Minnesota, waxaan arkayay inuu wajahay caqabad Wayn markasta waxaan u rajaynaayay guul.
* dad badan ayaa ka hadla midnimada lakin ma fahansana micnaha iyo awoodeeda.
* hada waxaa la jooga waqtigii dhalinta somalida.
* odayasha madaxda ka ah qabaa ilka somalida waxay nagu kala qaybiyeen iyagoo adeegsanaya xanuunka qabyaalada.
* waa in aan jabinaa xeendaabka, wadanka ka xoreynaa dagaalka sokeeye ee wadanku ku jiray 22 ka sano.
* anagoo adeegsanayna awooda qalinka iyo wanaaga, xiligaan oo aan qoraayo waxaa ii sawir maya wadankii aan ku koray horaantii 70s. Allah wax aan ka baryaa inuu wadankayga ka qaadaayo dhibka AM EEN.
BY WARIYE ABDIHAFID MAHAMUD JAMA