|

Shirweynihii Ururka Qareenada Somaliland oo lagu doortay Hogaan Cusub,Madaxweynahana ka dalbaday inuu Magaca Garsoorka ka saaro Wasaarada Cadaalada

Hargaysa 01.April { SDN }  Shirweynahii sadexaad ee ururka Qareenada Somaliland (SOLLA)) ayaa maanta la soo Gaba gabeeyay Isla markaana lagu doortay Hogaankii Ururka Qareenada Somaliland.

Shirweynahan oo ay ka qayb galeen Boqol iyo Konton Ergay oo ka kala yimid gobolada iyo Degmooyinka Dalka ayaa Mudo Sadex Cisho ah oo uu Socday Waxaa lagu Ansixiyay Xeerarkii uu ku Shaqaynayay Ururka SOLLA, Waxayna Ergadu Cod gacan Taag ah ugu Doorteen Gudoomiye Foosi Aw Yuusuf Axmed,Halka ay sidoo kalena Gudoomiye Ku xigeen ugu doorteen Xasan Cali Xasan isla markaana ay Jagada Xoghaya Ururka Solla u doorteen Maxamud Maxamed Xaashi Timo.

Waxaa kale oo Ergadii ka qayb qaadanaysay Shirweynahani ay ku doorteen Laba iyo Toban Xubnood oo Noqon doona Gudida Fulinta ee Ururka Qareenada Somaliland .

Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Solla Foosi Aw Yuusuf oo Madashaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay Dhamaanba ergadii ka qayb qaadanaysay Shirweynahan,Waxaanu balan qaaday inay Si cadaaladi iyo Xil kasnimo leh ugu adeegi doonaan Hawlaha Ururka ,isagoo intaas ku daray inay Talo Wadaag iyo Go’aamo cad cad kula dhaqmi doonaan hay’adaha ay wada shaqayntu ka dhaxayso .

Waxaa kale oo Madashaas ka hadlay Xubno ka Mid ah Ururka Qareenada Somaliland oo soo dhaweeyay sida ay doorashadu u dhacday.

Waxaana Gaba gabadii Shirweynahaas laga Soo saaray War Murtiyeed Xoojinaya Dibu habaynta Cadaalada isla markaana Talooyin u gudbinaya Xukuumada iyo Waaxda Sharci dejinta.

War Murtiyeedka waxa ay kaga Dalbadeen in Madaxweyne Siilaanyo inuu soo Saaro  amar uu ku Joojinayo Magaca Khilaafsan Distoorka ee Wasaarada Cadaalada lagu lamaanayeey Garsoorka oo Khilaafsan Sida ay Sheegeen Distoorka Qaranka oo Tilmaamaya in hanaanka dawladnimo ee Somaliland ku dhisan tahay uu ka kooban yahay Fulin,Garsoor iyo Sharci dajin.

Waxaa kale oo ay Madaxweynaha ka Codsadeen inuu Sida ugu dhakhsiiyaha badan u soo dhamaystiro Xubnaha Garsoorka ee Maxkamada Sare isagoo ku Xulanayaya Sida ay yidhaahdeen Aqoontooda,Waayo aragnimadooda iyo Dhaaqankooda .

War Murtiyeedkan oo dhamaystiran ayaa u dhignaa Sidan:-

URURKA QAREENADDA SOMALILND ISAGOO: MAANKA KU HAYA:

Ka duulaya xilkiisa ah raadinta iyo u halganka xaqiijinta Cadaaladda iyo madaxbanaanida Garsoorka.

Ogsoon In Dastuurka Somaliland ku dhisan yahay nidaamka kala    madaxbanaanida sadexda waaxood ee Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka sida ku qeexan Qod:37 Dastuurka JSL, sidoo kale lagu sheegay in Garsoorku ka madaxbanaan yahay waaxyaha kale, sida ku qeexan Qod:97 Dastuurka JSL.

Aqoonsan:In Garsoorka Somaliland ahaan, dhisme ahaan, hogaamin ahaan, shaqo ahaan, dhaqaale ahaan, shaqaale ahaan muqaal ahaan iyo haybad ahaan midna la sinayn, kana madaxbanaanayn labada waaxood ee kale, gaar ahaan Waaxda Fulinta (Xukuumadda).

Xusuusan: Talooyinkii shirwaynihii Dib u habaynta cadaaladda ay ugu horaysay xaqiijinta Madaxbanaanida garsoorka Somaliland, kuwaas oo M/waynuhu goobtaa iyo goobo kalena ka balan-qaaday hirgelinta Cadaaladda oo ay ugu horayso xaqiijinta madaxbanaani buuxda oo garsoor.

Maanka ku haya: Balan qaadyadii Xisbiga Kulmiye iyo barnaamijkiisii siyaasadeed in xaqiijinta madaxbanaanida garsoorka si wayn ugu xardhanayd.

Aqoonsan: Halka aan madaxbanaani garsoor ka jirin aanay cadaalad ka jiri Karin; halka aanay cadaalad ka jirina ammaan ka jiri Karin; halka aan ammaan ka jirina horumar, wada-noolaansho, xasilooni, horumar iyo nidaam Dawladnimo ka jiri karin.

Ogsoon: In Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha (UDHR), Axdiyada Qaramadda Midoobay iyo qaannuunka Dawliga ah ee lagu aqoonsaday Qod:10(2) ee Dastuurka JSL ay si buuxda u damman qaadeen una waajibiyeen Madaxbanaani Garsoor oo buuxda.

Ku qanacsan: In aan la hirgelin Karin Cadaalad, dib u habayn garsoor iyo ku dhaqan sharci haddii aan garsoorka si dhab ah oo muuqata loo madaxbanaanayn.

Aqoonsan: In faragelinta iyo madaxbanaanayn la’aanta garsoorku tahay xadgudubka ugu wayn ee xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee qofka iyo guud ahaan dadka.

Ogsoon: In Madaxbanaani la’aanta garsoorka Somaliland uu saldhigeedu yahay qodobada Dastuurka ee waaxda garsoorka nidaaminaya oo madaxbanaai run ah oo waaxyaha kale la siman u dejin waaxda garsoorka.

Ku qanacsan: In ku shaqaynta mihnadda sharci aanay muuqanayn, waxtarna yeelanayn, marka aanay jirin madaxbanaani garsoor oo dhab iyo ku dhaqan sharci oo run ah

Ogsoon: In shuruucdii Waaxda Garsoorka ay ku dhisnaan lahayd ama ku shaqayn lahayd, intooda badan aanay jirin qaarkoodna muran ka taagan yahay.

Ka dheregsan: In Xeerkii Nidaamka garsoorka (Xeer Lr.24/06) ay laba nuqul oo kala duwani is barbar socdaan, wax ka bedelkiisii iyo midayntiisiina muddo sanad ka badan ay M/waynaha hortaal si uu Golaha Wakiiladda ugu gudbiyo.

Ogsoon: In muddo laba sano ka hor ah Garsoorkii Maxkamadda Sare la kala diray, xilligana ay tahay xilligii ay ugu tiro yaraayeen, soo dhamaystirkoodana M/waynaha laga sugayo muddo dheer.

Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA) markii uu tixgeliyay dhamaan arrimahaa wuxuu soo saaray baaqan:

  1. 1.   Waxaan ugu baaqaynaa M/waynaha, Xukuumadda iyo Golayaasha sharci-dejinta in ay aqoonsadaan, ixtiraamaan oo ilaaliyaan madaxbanaanida iyo haybada Garsoorka.
  2. 2.   Waxaan ugu baaqaynaa M/waynaha, Gollaha xukuumadda iyo Golayaasha sharci-dejinta in ay dib u eegaan Dastuurka qodobada dhismaha Waaxda Garsoorka ku saabsan, dibna ugu qaabeeyaan dhismaha Dastuuriga ah ee Waaxda Garsoorka, dib u eegistaa oo dano siyaasadeed ma madhan.
  3. 3.   Waxaan ugu baaqaynaa M/waynaha in uu si dhab ah u fuliyo talooyinkii shirwaynihii dib u habaynta Cadaaladda ee 2011.
  4. 4.   Waxaan ugu baaqaynaa M/waynaha in uu sida ugu dhaqsaha badan ugu gudbiyo Golayaasha sharci-dejinta, wax ka bedelka Xeerka nidaamka Garsoorka oo xaqiijinaya madaxbanaanida garsoorka.
  5. 5.   Waxaan ugu baaqaynaa M/waynaha in uu sida ugu dhaqsaha badan u dhamaystiro xubnaha garsoorka Maxkamadda sare, isagoo ku xulanaya oo keliya aqoontooda, waay’aragnimadooda iyo hab-dhaqankooda.
  6. 6.   Waxaanu u aragnaa in magaca “ Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka ay khilaafsan tahay Dastuurka, xadgudubna ku tahay Qod:37, 97 Dastuurka, magaca Dastuurku ku yaalaana yahay Wasaaradda Cadaaladda oo ku cad Qod:106 & 107 Dastuurka.
  7. 7.   Waxaan ugu baaqaynaa M/waynaha in uu amro joojinta magaca khilaafsan Dastuurka ee Wasaaradda Cadaaladda hadda ay bilawday adeegsigeeda.

Shirgudoonka Shirwaynaha 3 aad ee SOLLA :

G/yaqaan_ Yuusuf Kirix Cawed……………………..(Guddoomiye).

G/yaqaan_ Jaamac Cilmi Xaashi……………………(Gudd.Ku-Xigeen).

G/yaqaan_ Abuubakar Sh.Max’ud…………………..(X u b i n ).

 

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed