|

Wafdi ka socda dowladda Finland Oo Muqdisho Gaaray

Muqdisho April 01 2013 (SDN)— Wafdi wasiiro ah oo ka socda dowladda Finland ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyadoona siweyn loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cade.

Wafdiga ka socday dowladda Finland ayaa waxa uu ka koobnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Khayraadka, iyo Wasiirka Hormarinta Africa u qaabil’san waxaana Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaare Ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibada, Wasiirka Khayraadka iyo Wasiirka Hormarinta Adeega Bulshada dowladda Soomaaliya.

Wafdiga Wasiirada ah ee ka socday Finland ayaa loo galbiyay Villa Soomaaliya halkaasi oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, Afhayeenka Barlamanka iyo Ra’iisul wasaare Ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Kulanka markii uu soo dhamaaday kaddib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Finland kuwaasi oo sheegay in ay kawada hadleen arrimo badan oo ku qotama taageerida dowladda Soomaaliya.

Comments are closed