Magaalada Boorama oo ay Gaadheen Laba Gaadhi oo Dam Damis ah iyo Dareenka Dadweynaha
Boorama 01.April { SDN } Waxaa Galabta Magaalada Boorama gaadhay Laba Baabuur oo Demdemis ah noocooduna yahay Mercedes isla markaana loogu talo galay inay la Tacaalaan Gubashada marar kala duwan ka dhacday Magaaladaasi.
Waxaa Gaadiidkan lagaga hortagay duleedka Magaalada Booorama,iyadoo ay dadweynaha ku dhaqan Magaaladaasina ay soo dhaweeyeen inay helaan adega Dam damiska iyagoo Ku dhawaaqayay erayo ay ku Cabirayaan Dareenkooda ku aadan Helitaanka Labadan Gaadhi oo Hoos u dhigi kara Khataraha Inta badan ka dhasha Gubashada dhinaca dabka .
Labadan Gaadhi oo ay soo iibiyeen Gudida dadweyne ah oo hawshan isu xilsaaray isla markaana ku gudo jiray Mudo Sanad iyo Badh ah,kuna hawlanaayeen sidii ay qaadhaan ugu ururin lahaayeen soo iibinta Gaadiidkan ayaa waxaa bulshada ku nool Magaalada Boorama kala hadlay Xarunta Saldhiga Booliska Gudoomiyaha Gudidaas C.raxmaan Axmed Obsiiye Geel Jire oo sheegay in dadaal badan oo ay galeen uu alle ku guuleeyay inay ka midho dhaliyeen Sidii ay Magaaladaasi u heli lahayd gaadiidkan demdemiska ah, Waxaanu intaas ku daray in Keenista labadan Gaadhi ay qayb weyn ka qaateen Xukuumad iyo Shacaba oo is Kaashanaya .
Sidoo kale Sheikh Xasan Diheeye oo Xubin ka ah Gudidan ayaa u mahadceliyay dadkii ka qayb galay hawshan isagoo si gaar ah u amaanay Xukuumada Somaliland gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa oo lacag badan ku daray soo iibinta Demdamiskan waxaa kale oo uu Mahadnaq u diray Hablo qurbo joog ah oo ku nool Ingiriiska iyo Canada.
Waa markii u horaysay ee Magaalada Boorama ay yeelato gaadiid damdamis ah .
Boorama SDN.
qurbejoog@gmail.com