Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo ka hadlay Xeerka Anshaxa Xeer ilaaliyayaasha iyo Garsoorayaasha (DHAGAYSO)
Hargaysa 01.April { SDN } Tababar soconayay muddo sadex maalmood ah isla markaana lagu lafo Gurayay habka xeer dhaqanka xeer ilaaliyaasha iyo garsoorayaasha Somaliland ayaa maanta lagu soo Xidhay hotel Imperial ee magaalada Hargaysa.
Gudoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo hadal ka jeediyay Xidhitaankii Tababarkaas ayaa sheegay in xeerkani uu yahay mid qabanaya xeer ilaaliyaasha iyo garsoorayaasha xiliga ay shaqada ku jiraan, halka sidoo kalena xeerkani saamaxayo sida uu yidhi in qofka muwaadinka ahi uu gudida cadaalada u soo gudbin karo hadii uu wax ka tirsado shaqada iyo go’aanada garsooraha, taasina ay wax weyn ka tarayso toosinta cadaaladda iyo garsoorka.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Garsoor13.mp3″]
Hargaysa SDN
qurbejoog@gmail.com