R/wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho
Muqdisho April 01 2013 (SDN)— Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa manta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaamiyo oo uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Difaaca, Taliyaha Ciidanka Xooga iyo Xildhibaano kala ayaa ku soo laabta Muqdisho waxaana ay booqasho ku soo joogeen gobolka Gedo.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kulamo kula soo qaatay Magaalada Garbahaarey dhinacyda kala duwan ee gobolka Gedo waxaana la sheegay in maamul KMG ah uu u soo magacaabay halkaasi.
Majirin wax war ah oo uu saxaafada siiyay Ra’iisul wasaaraha laakiin Cabdi Faarax Shirdoon ayaa la filayaa in safaradiisa uu uga warbixin doono golaha Wasiirada Soomaaliya.
SDN-Muqdisho