|

Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabkta Oo Heshiis dhinacyo badan Taabanaya kala saxiixday

Dubai April 01 2013 (SDN)— Xukuumadaha Dubai iyo Muqdisho ayaa saxiixday heshiis Isfaham ah (MOU), kaasi oo diirada saari doona xariir labo geesood ah ee ka dhexeeya Somaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Heshiiska ay labadan dhinac kala saxiixdeen ayaa ku qotoma dhinacyada Siyaasada, Ammaanka, Diblumaasiyada, Dhaqaalaha, Maalgelinta iyo Hormarinta Hay’addaha dowliga ah.

Heshiiskan Waxaa Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) u kala saxiixay Wasiirada Arimaha Dibada labada dal oo kala ah Fowsiyo Yuusuf Xaaji iyo Sheikh Abdullah Bin Zayed Al Nahyan, waxaana heshiiskan lagu kala saxiixday Magaalada Dubai Axadii Shalay.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo heshiiska kaddib hadashay ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay talaabadan oo ay ku tilmaamtay mid muujinaysa wada shaqeynta labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya aya ku howlan sidii ay u soo celin laheyd xiriirka caalamiga ah ee maqnaa muddo 22-sano ah oo aysan dalka ka jirin dowlad dhexe oo shaqeysa.

SDN-Dubai

Comments are closed