|

Madaxweynaha Soomaaliya oo Taageero Maaliyadeed Weydiistay Soomaalida Dubai ku nool

Dubai April 01 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay boqolaal Soomaali ah oo u badan ganacsato kula hadlayay magaalada Dubai ayaa waxa uu u jeediyay ganacsatada Soomaaliya inay dib ugu soo laabtaan dalkooda oo ka taageeraan dowladda iyo dalka dhinaca dhaqaalaha.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan hada aheyn sidii loo baahnaa balse ay iyaga ka dhigi karaan dowlad awood leh hadii buu yiri dowladda la taageero laguna biiriyo fikirada.Madaxweynaha Soomaaliya oo xooga saaraya iskaashi buuxa oo dowladiisa ay la yeelato caalamka ayaa waxaa uu horay safaro ugu bixiyay dalal dhowr ah oo kula kulmay Madaxda iyo Jaaliyadaha Soomaalida.

Inta badan hadalada uu ka jeediyo kulamada ay isugu yimaadaan Jaaliyadaha Soomaalida ee dalka dibadiisa ayuu Madaxweynaha Soomaaliya kaga codsadaa taageero ballaaran in lasiiyo Dowladiisa iyo dib udhiska dalka.

SDN-Dubai
 

Comments are closed