|

Shirka Loogu Magacdaray Dib U Habeenta Garsoorka Soomaaliya Oo Lagu Wado Muqdisho in uu ka furmo

Muqdisho March 01 April 2013 (SDN)— Waxaa maanta si rasmi ah lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo shirweynaha qaran ee uu Madaxweynaha Soomaaliya ku baaqay in la qabanayo loogana hadlayo arimaha Garsoorka dalka.

Shirka qaban qaabadiisa ayaa iminka waxa ay ka socotaa Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu wado in lagu qabto shirka.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka aqoonyahano la taliyeyaal dhanka sharciga ah ayaa laguwadaa inay ka qeybgalaan shirka sida qoraal Madaxweynaha Soomaaliya horay uu usoo saaray lagu sheegay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu furo shirkaasi dadka kasoo qeybgalayana waxa ay ku qul-qulayaan hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho.

Sida horay loogu xusayba qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa lagu qeexay arimaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo.

• Faaqidaada Caqabadaha hortaagan Garsoorka;

• Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Hay’adaha Garsoorka, soo celinta kala denbeynta iyo u hogaansiga sharciga;

• Talo ka bixin Qorshe/Siyaasad Qaran oo hagta Hay’adaha Cadaalada;

• Xiriirka ka dhaxeeya Hay’adaha Garsoorka iyo Dastuurka Cusub iwm.

Waxa shirka ka soo qeyb gali doona kana hadli doona sharci yaqaano iyo aqoonyahano dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka kala yimid.

Waxa sidoo kale ka soo qeyb gali doona wakiilo ka socda, Garsoorka, Wasaarada Cadaalada, Xubnaha Baarlamaanka, Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Maxkamadda ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliyeed, Booliska qaranka Soomaaliyeed, Hay,ada Nabad-sugidda, Ciidanka Asluubta ,Ururka qareenada iyo sharci yaqaanada, Jaamacadaha iyo goobaha cilmi baarista, Culumada, hoggaamiyayaasha dhaqanka, ururada bulshada rayidka, hoggamiyayaasha heyadaha xuquuqul-Insaanka u dooda, ururada haweenka, Khubaro caalami ah iyo Muwaadiniinta.

Ammaanka nawaaxiga Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo ciidamada Dowladda Soomaaliya ay taagan yihiin hareeraha wadada dheer ee gasha Airportka Muqdisho.

SDN-Muqdiso

Comments are closed