Xog la xiriirta iscasilaadii Raiisul Wasaarihii Jabuuti iyo xiriirka uu la leeyahay Ruuxa lagu bedelay
Jabuuti April 01,2013(SDN)-Raiisul wasaarahII dalka Jamhuuriyada Jabuuti Md Dileyte Maxamed Dileyte ayaa maalinimadii shalay shaaciyay in uu xilkaa iska casilay iyada oo Madaxweyne Ismaciil Cumar uu Dilyete ka aqbalay iscasilaadaasi.
Raiisul Wasaarihii hore ayaa la sheegayaa in aanu iscasilin balse uu xilka u baneeyay Cabdiqadir Kaamil Maxamed oo ay Xidid yihiin oo horena u ahaa wasiirka Gaashaandhiga Jabuuti.
Sidoo kale waxa dad ku dhaw dhaw madaxtooyada Jabuuti ay noo sheegeen in Dileyta uu xilka isaga casilay sababo la xidhiidha qas siyasadeed ee ka dhashay doorashooyinkii Baarlamaanka Jabuuti ee mucaaridka badani qaadaceen.
Iscasilaadan iyo xukuumadan cusub ee uu madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle magacaabay ayaa ku soo beegmaya xili ay Mucaaridka Jabuuti shaaciyeen in ay ku dhawaaqayaan Baarlaaan cusub.
SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com