Dowladda Imaaraadka Oo Dowladda Soomaaliya ka caawineysa Dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed
Dooxa March 30 2013 (SDN)– Sida uu qoray wargeyska Qaliij Times,waxaa si wada jir ah u kulmay Mdaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhaxal sugaha Bqortooyada Sacuudiga ahna ku xigeenka Sarkaalka ugu sareeya ciidamada isku taga imaaraadka Carabta,iyagoona ka wadahadlay arimaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo sarkaalkaan ka tirsan ciidamada iskutaga imaaradka Carabta ee General Shaikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa dhanka kale waxay isla soo hadal qaadeen xaalada ammaanka ee dalka Soomaaliya,isagoona Mohammed bin Zayed uu sheegay in mar waliba ay garab taagan yihiin Soomaaliya.
Wuxuu qeexay in Soomaaliya mar dhow goobjoog u noqon doonto xaalad Nabad galyo,Deganaasho iyo Midnimo Qaran iyo horumaro kale oo intaasi ka sii badan oo Soomaaliya ku tilaabsaneyso.
Ugu danbeytii Madaxweynaha Soomaaliya Pro Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amaanay dadaalada dhanka bini-aadanimada ay ka helaan Dubai iyo garab istaagista shacabka Soomaaliyeed.