|

Dad farabadan oo ku dhintay Dhime burburay gudaha dalka Tanzaniya

Darisalam March 30 2013 (SDN)– Ku dhawaad seddex ruux ayaa ku dhimatay toboneeyo kalana way ku dhaawacmeen kadib markii dhismo daar dheer ahaa uu kusoo burburay bartamaha magaalada Muhiimka ah ee dalka Tanzania ee Dar es Salaam sida ay sheegeen dadka ku howlanaa badbaadinta dadkaasi.

Inka badan 13 ruux oo kale ayaa la sheegay in laga soo hoos bixiyay dhismaha burburay hoostiisa sida masuuliyiin ay usheegay warbaahinta Jimcihii shalay.Dad kale oo gaaraya 45 ruux oo ay ku jiraan shaqaale Dhismo dad rayid ah iyo caruur dhiganaysay iskuulka Koranic ayaa la layahay sida warar ay sheegayaan.

Goob joogu lagu magacaabo Nishit Surelia ayaa u sheegay warbaahinta inuu ka warhelay dhawaqa xoogan ee burbur oo ka dhacay gadaashiisa.

“Qof walbaa wuxuu bilaabay carar ,waxaana loo malaynayay dhul gariir ,waxaana jirtay uuro iyo wasaq meel kasta ah kadib waan ogaanay waxa dhacay”ayuu hadalkiisa kusii9 daray goobta.

Warar ka baxsay shilka ayaa sheegaya in wish dheer oo dhismaha bartamihiisa ku yiilay uu ka dhashay burburka dhismaha ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah.

Dadka waxyeelada ay soo gaartay ayaa durbadiida waxay bilaabeen inay Telefoono kula xiriiraan saaxiibadooda iyo qaraabadooda si ay kaga warhelaan sida haalka uu yahay una sheegeen xaaladooda.

Gaadiidka loo yaqaan Bulldozers ayaa waxaa la geeyay guriga burburay si dhagxaanta looga horqaado loona baaro dadka ku hoosta ,maadaama burburka uu ahaa mid xoogan.

Dhismaha burburay ayaa waxaa ka agdhawaa masaajid iyo goobo dhismayaal ganacsi ah iyo goobo kale oo dad rayid ah ay degen yihiin kuna yaala bartamaha magaalada Dar Es Salaam.

Booliska ayaa sheegayaa inay baaarayaan ama ay su’aalo weydiinayaan afar ruux oo xiriir lalahaa shirkad dhismaha ,halka shaqaalo ka ka agdhawaa oo isla shirkada laga shakiyay.

Comments are closed