Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Jowhar
Muqdisho March 30 2013 (SDN)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa goordhaweyd gaaray Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan wasiirada Soomaaliya iyo Xildhibaano kasoo jeeda Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe Yuusuf Cabdi Cabdile ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu so galay gudaha Magaalada iyadoo hada uu ku guda jiro booqashadiisa uu ku dhexmarayo Ra’iisul Wasaaraha gudaha Magaalada.
Wuxuu booqan doonaa xarumaha dowladda ee Gobalka Shabeelaha Dhexe iyo sidoo kale goobaha ay dagan yihiin qaar kamid ah shacabka.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu qeyb ka yahay socdaalada Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Gobalada dalka Soomaaliya iyadoo shalay uu kasoo noqday Kismaayo.
SDN-Muqdisho