|

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Ee Gaaray Kismaayo Oo Ka Digay In La Weeraro Ciidamadaasi

Kismaayo March 30 (SDN)– Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo gaaray gudaha Magaalada Kismaayo.

Warfaa Sheekh Aadan oo kamid ah saraakiisha hogaaminaysa ciidankaasi gudaha ugalay Magalaada Kismaayo ayaa sheegay inuu maqlay dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidanka raaskaambooni,isaga oo ka digay in ciidanka Dowladda ay weerar ku qaadaan.Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee gudaha ugalay Magaalada Kismaayo ayuu sheegay in marka hore ay daganaayeen gudaha Garoonka Kismaayo balse iminka la dajiyay warshada hilibka ee Magaaladaasi.

Warfaa Sheekh Aadan ayaa dhanka kale wuxuu sheegay in Magaalada Kismaayo aysan sheegan karin cid gaar ah oo lahaanshaheeda tilmaamsan karin.

Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Magaalada ay tahay mid ka dhaxeysa Soomaali ciidanka dagayna Warshada hilibka ay yihiin kuwa qaran oo Dowlada ka tirsan.

Ciidamadaan hada la dajiyay warshada hilibka ee Magaalada Kismaayo ayaa tiradooda ay gaareysa ku dhawaad 300 oo ciidan islamarkaana ay kamid yihiin ciidan ka yimid dhawaan Gobalka Gedo.

Comments are closed