|

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku sii jeeda Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe

Muqdisho March 30 2013 (SDN)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo shalay dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta uu ku wajahan yahay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in hadii uusan dhicin amar alle maanta oo sabti ah uu yahay qorshaha booqasho inuu ku tago Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi Shabeelaha Dhexe.Wuxuu ka sheekeeyay waxyaabihii uu kusoo arkay Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada hoose,isaga oo carabaabay inuu siiwadi doono socdaalada uu ku tagayaan Gobalada dalka Soomaaliya maadaama ujeedka uu yahay buu yiri in lasoo ogaado baahida kala duwan ee ay qabaan shacabka Gobaladaasi ku nool.

Ciidamo qaran oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuna sugan Magaalada Kismaayo ayuu sheegay inuu halkaasi kusoo arkay,isaga oo carabaabay Ra’iisul Wasaaraha in ciidankaasi ay kasoo qeyb qaateen sidii Shabaab looga saari lahaa Kismaayo.

Wuxuu xusay in muddo aysan qaadan mushaar duruuf adagna ay ku shaqeeyaan balse uu tilmaamay inay isku dayayaan inay uruuriyaan ciidankaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa socdaal ku tagay inta badan Gobalada dalka Soomaaliya oo ay maamusho Dowladda Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

Comments are closed