|

Wasiirka Duulista Hawada oo Maanta Furay Mashaariic laga hirgaliyay Madaarka Burco

Burco 29 March (SDN) Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Mudane Maxamud Xaashi Cabdi ayaa maanta Xadhiga ka jaray Mashaariic kala duwan oo lagu soo kordhiyay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Burco oo ay Mudooyinkii u danbeeyay dib u habayni ay ka socotay.

Wasiirka Duulista iyo Hawada oo ay Weheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji C.laahi Xamarje iyo Xildhibaan Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan” ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin Mashaariicdan laga hirgaliyay Madaarka Burco oo ay ka mid Yihiin dhismaha Tawarka,Hangar loo sameeyay Madaarka,Aalada lagala Socdo Saadaasha Hawada iyo dhismayaal kale .

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Mudane Maxamud Xaashi Cabdi ayaa Xusay inay Farxad u tahay in Madaarka Burco ay ka hirgalaan Mashaariicdan oo Wax weyn ka badalaya sida uu Yidhi habsami u socodka hawlaha Madaarkani u hayo Mucjatamaca kala duwan ee ka faa’iidaysan doona,Wasiirka Duulista iyo Hawadu waxa uu ugu bushaareeyay Qurbajoogta reer Somaliland inay Xagaaga soo socda ka soo degi karaan Madaarka Burco.

Sidoo kale Xildhibaan Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland Xubina ka ah Gudida Dibu dhiska Madaarka Burco ayaa Sheegay in Qaadhaankii ay ku soo deeqeen Jaaliyadaha Somaliland ee Uk ay maanta ka Muuqdaan Madaarka Magaalada Burco isagoo intaas ku daray in qabyada Kooban ee Madaarku u baahan yahay Wax ka qabashadeeda Xil la iska saaro.

Burco  SDN

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed