Ciraaq: Qaraxyo Jimcihii ruxay Baqdaaq iyo Kirkuk, khasaaraha ay sababeen iyo dhawr gobol oo cod-bixintooda doorashada dib loo dhigay
Bagdad, March, 29 2013 (SDN/VOA)- Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay, 100 kalena inka badana way ku dhaawacmeen dhawr qarax oo Jimcihii maanta ka dhacay meelo u dhow masaajido ay leeyihiin dadka Shiicada ahi guud ahaan dalka Ciraaq.
Siday ku warantay VOA qaybteeda afka Ingiriisidu, qulqulatooyinkani waxay ka mid yihiin nacaybka diimeed, xilli ay Ciraaq waajahayso qabashada doorashooyinka deegaanka oo u muddaysan bisha soo socota.
Warku wuxuu intaa ku daray, in qaraxyadan oo midba midka kale ku xigay saacad gudaheed, waxa lala beegsaday dhawr xaafadood oo ka tirsan caasimadda Baqdaad iyo magaalada dhinaca Waqooyi ee Kirkuk. Afar baabuur oo lagu qarxiyay gudaha Baqdaad, waxay dileen ugu yaraan 14 qof, waxayna dhaawaceen daraasiin kale.
Ilaa hadda, ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaas.
Dawladda Ciraaqiyiintu waxay dib u dhigeen doorashada bisha dambe qorshaysan ee gobollada Anbar iyo Ninevah, taasoo ay dib ugu riixeen ilaa lix bilood, waxaana dib loogu dhigay khatarta amni ee ku iman karta hawlwadeenada doorashada iyo murashaxiinta tartamaysa.
Hase yeeshee, doorashada gobollada kale ee Ciraaq waxa codbixintooda loo dareerayaa sida qorshaysan 20-ka bisha soo socota ee April.
Qurbejoog.com, Bagdad