Madaxweynaha Maraykanka oo hogaamiyaal ka socda Afrika kala hadlay dagaalka Al Shabab lagu lajiro
Washington March 29 2013 (SDN)– Madaxweynaha dalka Mareykanka Brak Xusein Obama oo Aqalka Cad ku qaabilay hogaamiyayaal ka tirsan wadamada Africa ayaa uga digay in wadamadooda ay ku fidaan Ururada islaamiga ee ka jira Qaarada Africa Sida Mali iyo Soomaaliya.
Hogaamiyayaasha Madaxweynaha Mareykanka uu sida gaarka ah ula kulmay waxaa ka mid ah, Madaxweynayaasha Sierra Leone, Malawi, iyo Senegal kuwaasi oo uu kala hadlay arimo ay ka mid yihiin amaanka iyo iskaashi ganacsi oo labada dhinac dhexmara, isagoona intaasi oo dhan sharuud kaga xiray xaqiijinta amaanka wadamadooda.
Wuxuu sheegay Barak Obama oo qudbad dhinacyo badan taabaneysajeediyey ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala dagaalamo Kooxaha xiriirka la leh Al-Qaa’ida oo uu sheegay in ay ku sii fidayaan Qaarada Africa oo galbeedka iyo bariga Africa ka mid ah.
Sidoo kale Madaxweynaha Mareynkanka ayaa shaaca ka qaaday in sababaha uu ugu yeeray hogaamiyayaashani ay tahay in meel looga soo wada jeesto Al-shabaab, Ansaru-diin iyo Boko Haram sida uu hadalka u dhigay, isagoona qiray in caqabad ay ku yihiin amaanka gobolka.
“Waxaan Aamin sanahay in ay wada shaqeyn wanaagsan na dhex mari karto hadii la iska difaaco Ururadaan qal qalka gilinaya amaanka wadamada Africa, ayuu yiri Obama oo aqalka cad ku qaabilay Madax ka tirsan hogaamiyayaasha Africa.
Deganaanshaha iyo xasiloonida ayuu sheegay Madaxweynaha Mareykanka in ay gogol xaar u tahay dhex marida wada shaqeyn buuxda Mareykanka iyo Africa, islamarkaana ay xoojineyso xariirka saaxiibtinimo.
Wuxuu carabaabay Madaxweynaha Mareykanka in Al-shabaab iyo Ansaru-diin ay yihiin kuwo xariir wadaag ah kana soo horjeeda danaha Mareykanka iyo reer galbeedka intiisa kale, isagoona balan qaaday in ay qaadayaan ficil weliba oo looga hortagayo.
Kulanka hogaamiyayaasha Qaar ka mid ah wadamada Africa iyo Mas’uulka ugu sareeya Mareykanka ay ku qaateen Aqalka cad ayaa ahaa mid lagu falanqeynayey xiriir ganacsi oo dhexmara wadamada, Senegal, Sierra Leone, Malawi iyo Mareykanka.