|

Tiger Woods oo Sannado Hawada Ka Maqnaa Ayaa Dib U Hantey(Golf World No 1) By Jaahuur.

Falorida-Mar-29-2013- qurbejoognews.com-Ottawa-Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu ula ka caynaa xagaa iyo Goolfta.

Haddaba sida aynu ka wada dhergsanahay shaki kuma jiro xiddigan golfer-ka ah Tiger Woods in sannado fara badan aan la soo haweysan jiri ciyaartan loo yaqaan Goolfta (GOLF).

Tiger Woods ayaa Isniintii aynu soo dhaafney dib u hannatey ciyaaryahanka kowaad ee aduunka ee ciyaarta Goolfta World NO I markii uu ku guuleystey 2-sannad ka bacdi Bay Hill Course.

Saaxiibayaal Xiddigan ayaa sannado hawada Goolfta ka maqnaa markii uu khiyaameeyey Xaaskiisii una galmoodey naago kale ka dibna baabuurkii uu wateyna geed foodda u galiyey akhirkiina ay is fureen Xaaskiisii,sumcadii uu ku lahaana taageerayaashiisa iyo waddankiisaba ay hoos u dhacdey.

Tiger Woods waxuu go’aan ku gaadhey sidii uu ku soo ceshanlahaa ciyaar wanaagii looga bartey nadiifiyana magaciisii uu ku lahaa bulsha weynta ciyaaraha jecel ee ku kala firirsan aduunka.

Haddaba soo laabashadiisii ciyaarta Goolfta walow mudda ka maqnaa waxaa la soo daristey haddana dhawacyo jilbaha ka soo gaadhay,dulqaad badan ka dib waxuu soo ceshadey sumcadiisii una horseedey inuu dib u hanto World NO 1 Golfer.

W/ Qorey Jaahuur

qurbejoog.com

SDN Ottawa

jjaahuur@hotmail.com

Comments are closed