Mas’uul ka Tirsan UCID oo u Jawaabay Guddoomiyaha KULMIYE ee Gabiley
Hargeysa Mar 23,2013(SDN)- Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Xisbiga UCID ee Gobolka Gabiley ayaa si ka jawaabay hadalo uu raqiis ku tilmaamay oo ka soo yeedhay Guddoomiyaha KULMIYE ee Gobolkaasi Aamiin Muuse Xirsi.
Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) ayaa si adag uga jawaabey hadlo deelqaaf ah oo uu Aamiin Muuse Xirsi ku weerarey Golaha Cusub ee Deegaanka Degmada Gabiley isagoo ka hadlayay arrimo dantiisa gaar ahaaneed ah islamarkaana sheeganaya in uu yahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley oo aanu ka dhaqdhaqaaqin wakhtiyadii ay socotey Doorashadii Golayaasha Deegaanka dalku oo Murashaxiinta Kulmiye waxyaabo badan u baahnaayeen in Maamulka Xisbiga ee heer Gobol wax kala qabto duruufo xililgaa taagnaa.
Mr Sangal oo arrintaa ka hadlaya waxa kamid ahaa hadaladiisii Sida Tan “Aamiinow horta aynu kala saarno muraadka iyo Maamul wax ka sheegga, dadka Reer Gabiley waxa ay kuu yaqaanaan Sarrifle dillaal ah oo ganacasatada dillaala, laakiin kuuma yaqaanaan Masuul xil Xisbi haya gaar ahaan ku Xukuumadda ah oo Kulmiye ah waxaan is leeyahay markaa wax lala yaabo ma aha in aad Warbaahinta mariso hadallo darjiidh ah oo aan macno laheyn, haddaan ka jawaabo hadaladaadii weerarka bilaa Xikmada ahaa Golaha Deegaanka Degmada Gabiley waxa ay xilka hayeen sideetan iyo kow maalmood Caqliga caadiga ahi marnaba ma liqi karo ama ma Qaadan karo in wax laga sheego ama la qiimeeyo sababtoo ah waxa ay joogeen waa xilli kooban waxaan filayay anigu shakhsiyan maadaama aad sheeganeyso inaad Gudoomiye u tahey Xisbi Xaakimka Kulmiye in haddii xataa Golaha Deegaanka Gabiley khaldamaan inaad noqon laheyd kii toosin lahaa ee wax u sheegi lahaa.”
Waxa uu intaa ku darey hadalkiisa “Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Shimbiri mar bay dab qaaddayoo markiina min alley gubtey adna garaadkaaga waligaa mar baad hadashoo waxaad kala saartey labadii wiil ee Reer Gabiley ee inoo hayay Xilalka Maamulka Degmada Xoghayaha D/hoose iyo Maayarka, waxaan talo kuugu soo jeedinayaa in hadalku ammaan yahay inta uu afkaaga ku jiro haddii kalena waxaad iska wadataa xilkaa aad sheegnayso, markaa saaxiib sheeko kale oo aan ahayn Guddoomiyaha Kulmiye ee aad sheeganayso keen”.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley Aamiin Muuse Xirsi ayaa inta badan uu muran ku jiraa xilka uu xisbiga u hayo, iyadoo aan badiba shacabka Degen Gobolkaasi aanay isku raacsanayn inuu xilkaas si rasmi ah u hayo, maadaama uu inta badan ku mashquul sanyahay ganacsiga isku bedelka Lacagaha Qalaad, islamarkaana sida uu gacan ku leeyahay iibka Adhiga iyo Dillaalidda sayladda xoolaha Gebiley oo uu sarrifka lacagtana aad ugu dhaqaajiyo, taasina ay ka mashuulisay shaqadii xisbiga oo Howlo ganacsi kaga foogan yahay.
Xigasho Hubaal
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com