|

Ujeeddada Weftigii UNDP iyo UNPOS ee Shalay Somaliland Yimid oo Farta Lagu Godayo

Hargeysa Mar 23,2013(SDN) – Magaalada Hargeysa, ayaa waxa lagu soo dhaweeyay wefti ka socda dalalka deeqda bixiya ee reer Yurub iyo Qaramada midoobay, kuwaasi oo booqasho ku yimid dalka.

Weftigan oo ay ka mid yihiin madaxa hay’adda UNDP iyo saraakiil ka socota xafiiska siyaasada ee qaramada midoobay ee UNPOS, ayaa waxay ka soo daggeen madaarka diyaaradaha Hargeysa, balse warbaahinta oo sugaysay ayaanay siinin wax hadal ah oo ay ku sharaxaan ujeedada socdaalkooda.

Weftigan oo ay qayb ka yihiin saraakiil ka socota wadamada deeqda bixiya ee reer Yurub, ayaa waxa madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirro xukuumadda Somaliland ka mid a, kuwaasi oo u soo galbiyey dhanka aqalka Madaxtooyada.

Weftigan oo ujeedada socdaalkooda ay aan la shaacin  wararka dheeraadka ah ee laga helayaa sheegayaan inay  xukuumadda Somaliland  ka wada  hadleen qaadacada shirkii London ee Madaxwayne Siilaanyo.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed