Xogo Muhiim ah oo Wargeyska HUBAAL ka Helay Ajandaha Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo+Mawqifka Feysal Cali Waraabe oo DUBAI ku sugan
Hargeysa Mar 23,2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyaddan Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hor kacayo ayaa Maanta u duulaya Wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyaga oo magaalada Hargeysa kaga baqooli doona Diyaarad Khaas ah oo Dawladda Wadankaasi u soo dirtay.
Safarka Madaxweynaha oo Sida la sheegay salka ku haya shir aan lagala tashan Somaliland oo ay ajandihiisa soo diyaariyeen dalka Imaaraadka, Turkiga iyo Ingiriiska, oo ka dhashay qaadacaadii Madaxweyne Siilaanyo Sheegay ee shirka London, iyadoo dawladda Somaliland lagu cadaadinayo inaanay ka dhabayn go’aankaas ee ay ka soo qayb gasho shirka London.
Weftiga Madaxweynaha ayaa sida la sheegaya waxa xubno ka ah Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha xisbiga talada Haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirkiisa Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirkiisa Khaarijiga Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Wargeyska Hubaal sheegay in Madaxweynuhu uu Magaaladda DUBAI ee dalka Imaaraadka kula kulmi doono Masuuliyiin ka socda wadankaasi, iyaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan sidii ay suurto gal u noqon lahayd Kulan uu Madaxweynuhu la yeesho Madaxda dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa dalka Imaaraadka soo gaadhay kadib markii uu soo dhammaystay socdaallo uu Muddooyinkii u dembeeyey ku marayay wadammo ka tirsan qaaradda Yurub.
Wargeyska Hubaal oo Xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhay Guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa wax ka weydiiyey imaatinkiisa Imaaraadka iyo inuu qayb ka yahay Safarka Madaxweyaha, hase yeeshee waxa uu sheegay in uu ku soo fool leeyahay dalka hooyo, Isniinta sahan-dambena uu jadwalka duulimaadka diyaarada ku qoran yahay, inkastoo uu sheegay inuu dib u dhigo imaatinkiisa isaga oo ku sababeeyey socdaalka Madaxweynaha oo uu ku dooday inaanu ogayn balse uu mar dambe ka war helay.
Guddoomiye Feysal oo Hubaal wax ka weydiiyey ujeedada safarka Madaxweynaha iyo Madaxtooyaddu wax ka weydiisay qorshaha uu weftigu la shir tagayo, waxa uu sheegay inaan waxba lagala soo socodsiin, hase yeeshee Feysal ahaan markii uu ogaaday safarkooda uu la xidhiidhay madaxtooyadda, inkastoo aanu xusin cidda uu Madaxtooyada kala hadlay iyo qoddobada ay ka wada hadleen, haddana warar lagu kalsoon yahay ayaa Wargeyska Hubaal u sheegay ay inuu guddoomiyuhu telefoon kula soo xidhiidhay wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu wax ka weydiiyey nuxurka safarkooda iyo waxa ay la shir tagayaan, isagoo wasiirka ku canaantay sida warku sheegayo sal fudayd iyo wada tashi la’aan inay ku ambobaxaan, hase yeeshee Wasiir Xirsi ayaa shiddo la’aan safarkooda ugu soo koobay mid aan wada tashi u baahnayn maadaama uu qaddiyada JSL salka ku hayo.
Feysal Cali Waraabe ayaa ilo wareedyadu sheegayaan in uu telefoonka iska dhigay isaga oo ka cadhaysan qaabka uu wasiirku uga jawaabay su’aashiisii.
Haddaba Wargeyska oo xalay wax ka weydiiyey aragtidiisa ku wajahan safarka Madaxweynaha iyo waxa uu ka og yahay ajandahooda waxa uu Guddoomiye Feysal ku jawaabay “Ma garanayo waxa loo socdo, iyaguna (Weftiga) ma oga ee soo duula uun baa lagu yidhi, ajande la soo diyaariyey uun baa lagula hadlayaa”. Ayuu yidhi guddoomiyuhu waxanu intaa ku daray “ Qoddobada aanu ku dhaliilayno ee aanu shirka ku darsan doono ayaan ku darsanayaa marka aan imaado insha allah, berrina soo bax ayaan is lahaa hase yeeshee inaan dib u dhigo ayaa laga yaabaa si aan ugu dhabbo galo halka laysla maro iyo waxa ay is yidhaahdaan”.
Soomaaliya iyo Doorka ay ku Leedahay Safarka Madaxweyne Siilaanyo:
Dhinaca kale, Wasiirrada arrimaha dibbeda ahna ra’iisal wasaare ku xigeenka maamulka Soomaaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maalmahanba ku sugnayd magaaladda Dubai.
Marwo Foosiya oo dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda ayaa la sheegay in ay halkaasi u joogto meel marinta ajandaha Turkiga iyo Ingiriisku dabada ka riixayaan, Imaaraadkuna fulinayo ee wada hadalsiinta Somaliland iyo Soomaaliya.
Marwo Foosiya ayaa sida warku xusayo Kulan casho sharaf ah habeen hore u samaysay Toban Nin oo u dhashay Somaliland balse badankoodu aaminsan Mabda’a Federaalka, kuwaasi oo ay kamid yihiin Raysal wasaare ku xigeenkii Dawladdii Kumeel gaadhka ahayd ee Cabdiqaasim Salaad Xasan ee Soomaaliya Mr. Cismaan Jaamac Cali (Cismaan-Kalluun), Gen. Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-yare) iyo Gen. Axmed Jaamac Muuse.
Casho sharaftan ayaa la sheegay in Wasiirrdu u soo bandhigtay xubnahan sida ay dawlad ahaan uga xun tahay mawqifkii Madaxweyne Siilaanyo ku qaadacay shirka London, iyadoo sheegtay inay shakhsi ahaan Somaliland la jeceshahay Horumar iyo Wanaag iyo inay meel gaadho go’aankaasina (Qaadacaada) uu caqabad ku noqonayo waxyaabo badan oo ay heli lahay.
Sidoo kale waxa ay difaacday ajandaha shirka London lagaga hadli doono iyadoo ku dooday in shirku kaalmo yahay oo kaalmo lagu ururin doono, Somaliland-na haddii ay ka soo qayb geli weydo ay seegi doonto saamigeeda.
Wasiir Foosiya Yusuf Xaaji Aadan waxa ay xubnahan ka dalbatay inay ka taageeraan sidii ay Somaliland u tegi lahayd shirka. Hase yeeshee warku ma xusin in masuuliyiinta ay la kulantay la qaateen fikirkeeda iyo in kale.
Geesta kale wararka uu Wargeyska Hubaal helayo ayaa xoojinaya in go’aankii Madaxweynaha ee qaadacaada shirka London ee uu ku dhawaaqay markii uu Turkiga kasoo laabtay aanu xaqiiqada ku fadhiyin balse uu ahaa mid dadka lagu qanciyo. Sida laga war qabo wadamada Turkig iyo Ingiriiska ayaa Beesha Caalamku u xil saartay xasilinta Somaliya iyo dib u dhiskeeda, halka Imaaraadka iyo Qadarna ay kala qayb qaadanayaan fulinta qoddobadaas.
Waxaana Suurto gal ah in Socdaalka madaxweyne Siilaanyo ee DUBAI kadib uu u baqooli doono dhinaca Qatar isagoo Magaalad Dooxa kula kulmi doona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuudka Muqdisho, oo ilo wareedyadu kalsooni ka muujiyeen qabsoomida kulankaas oo loogu gogol xaadhi doono shirka London.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com