Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM oo Yeeshay Afhayeen Cusub
Kampala March 22 2013 (SDN)– Warbaahinta Dalka Uganda ayaa shaacisay in Afhayeenkii hore ee ciidamada Uganda Felix Kulayigye laga qaaday xilka oo uu hayey dhowrkii Sano ee la soo dhaafay.
Wargeyska The Observer ee ka soo baxa Dalka Uganda ayaa qoray warbixintaan sheegeysa in la badalay Afhayeenkii ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan.
Wargeyska ayaa qoray in khadka telefoonka xiriir uu kula sameeyeen Afhayeenkii hore ee ciiddamadda Uganda Col. Felix Kulayigye, balse uu ka qaban waayay.
Felix Kulayigye, ayaa la tilmaamay in loo magacaabay Madaxa Siyaasada ee ciidamada UPDF, Si rasmi ahna looma oga waxyaabaha kalifay in xilka xiligan laga qaado.
Sidoo kale warka wargeyska The Observer uu qoray ayaa intaasi ku daraya in Afhayeenkii guutada Afaraad Ciiddamada Uganda ee fariisinka ku leh Deegaanka Gulu, Col. Paddy Ankunda loo magacaabay Afhayeenka Cusub ee Ciiddamada Uganda.
Hasa yeeshee Paddy Ankunda, ayaa waxa uu ahaan jiray Afhayeenkii ugu horeeyey Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
Dowlada Uganda ayaa ka mid ah dowladaha u heelan kor u qaadista howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya, ayadoona ciidamada wadankeeda ka socda ay qeyb ka yihiin.
SDN-Kampala