Dagaal Xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda oo ka qarxay Magaalada Marka
Marka March 22 2013 (SDN)— Dagaal u dhexeeyay Ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu ka qaraxay Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose.
Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya uu ka bilaawaday Magaaladaasi iyadoo dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac Magaalda siweyn looga Maqlayo.
Guddoomiyaha degmada Marka oo aan Laxiriiray ayaa ii xaqiijiyay in dagaalka u dhexeeya Ciidamada dowladda uu ka dhacayo Magaalada Marka hase ahaatee wax faah faahin ah oo intaasi dhaafasan uusan bixin karin waqtigan.
Wararka ay heleyso Shabakada SDN ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo arrimo qabiil islamarkaana ciidamada dagaalamaya ay u kala safteen labo beelood oo wada daga halkaasi.
Lama hubo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka soconaya hase ahaatee waxaa lagu waramayaa in uu jiro qasaaro soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay iyo dadka rayidka ah.
Magaalada Marka ayaa ka mid ah Meelihii laga saaray Al Shabaab waxaana ku sugan Ciidamada AMISOM ee Nabad Ilaalinta Midowga Africa.
SDN-Marka