Ciidamada AMISOM oo qorsheynaya In ay La wareegaan Gacan ku heynta goobihii ay Baneeyeen Ciidamada Ethiopia
Muqdisho March 22 2013 (SDN)— Sida ay daabacday wakaalada wararka ee AFP ciidamada midowga Africa ee dagaalka kala horjeeda ciidamada Alshabaab ayaa isku diyaarinaya sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Xudur oo dhawaan markii ay ka baxeen ciidamada Ethiopia ay la wareegeen ururka Alshabaab.
“Waxaan gurmad u direynaa si ay u hubiyaan deegaanada Baay iyi bakool si ay amaanka uga dhigaan mid xasiloon oo la isku haleyn karo iyo goobtii ay baneeyeen ciidamada Ethiopia”sidaasi waxaa yiri Andrew Gutti Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Wuxuuna deegaanadaasi uu ku qeexay inay yihiin deegaanada ku yaala koofur galbeed dalka Soomaaliya.
Ciidamada Ethiopia oo ahaa ciidamo dhanka meltariga aad ugu xooganaa tan iyo waxii kadambeeyay November sanadkii 2011 ayaa isaga baxay degmada xudur ee gobolka Bakool Axadii lasoo dhaafay,waxaana qabsaday Alshabaab.
Andrew Gutti ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in ciidamada AMISOM ay gaari doonaan degmadaasi xudur oo dhawaan Alshabaab ay qabsadeen markii ciidamada Ethiopia ay isaga baxeen.
Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa iminka ku sugan magaalada Baydhaba ee gobolka Baay halkaasi oo ay u joogaan xaqiijinta amaanka,waxaana ay qeyb ka yihiin ciidamada AMISOM ee loo qorsheeyay in la geeyo gobolo qaar oo ku yaala dalka Soomaaliya.
Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada Soomaaliya iyo ku dhawaad 2,000 oo shacab ah ayaa la sheegay inay isaga baxeen degmada markii ay faarujiyeen ciidamada Ethiopia halkaasi,inkastoo degmada walli ay dad badan kus ugan yihiin.
Alshabaab ayaa muddo ku dhow halsano ka maqnaa degmadaasi,waxaana ka talinayay maamul hoostaga dowlada Soomaaliya,ilaa iyo iminkana lama oga waxyaabaha keenay in ciidamadaasi ay isaga baxeen degmada.
Degmada Xudur ee gobolka Bakool waa degmada ugu weyn oo ciidamada Ethiopia ay faarujiyeen inkastoo la sheegay inay gaareen magaalada Baydhaba ,waxaana ay isku diyaarinayaan inay halkaasi isaga dhaqaaqaan.
SDN