Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay sameyneyso Sharciyada Saxaafa Soomaaliya
Muqdisho March 22 2013 (SDN)— Xilli shalay Muqdisho uu ka dhacay shir looga hadlayay xeerka Saxaafadda Soomaaliya isla markaasin ay soo qaban qaabisay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayna ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee warbaahinta ayaa arimihii kulankaasi lagu gorfeeyaay waxaa qeyb ka ahaa de,dejinta sharci hogaamiya Saxaafadda Soomaaliya.
Ku xigeenka wasiirka war faafinta xukuumadda Soomaaliya C/shakuur Cali Mire oo madasha kulankaasi ka hadlay wuxuu sheeegay in wasaarada warfaafintu ay ku howlantahay de,dejinta sharciga saxaafadda Soomaaliya si Baarlamaanka dhaqsi loo horgeeyo isla markaasina uu u meel mariyo .
Xukuumadda soomaaliya gaar ahaan wasaaradda warfaafinta ayaa qorsheneysa sharci u sameynta Saxaafadda Soomaaliyeed .
Sharcigan ayaa hadii uu dhaqan galo wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay yeelato Saxaafadda Soomaaliyeed tan iyo bur burkii dowladii dhexe kadib.
SDN-Muqdisho