Burcad badeed Soomaali ah oo Japan lagu maxkamadeyno oo cid ka turjunta loo waayay
Tokiyo Mar 22,2013(SDN)-Burcad Badeed Soomaali ah oo ku jira gacanta dawlada Japan ayaa Maxkamadeyntoodii lagala kulmay caqabado dhanka turjumaantooda.
Japan oo ay ka diiwaangashan yihiin in ka badan afar kun oo turjumaan ayaa la waayay cid Burcada u turjunta.
Kolkii la waayay turjumaan Soomaali ah ayaa la isku dayay in bal dacwada loo turjumo English ka dibna Soomaali,taasoo dhalisay in shuruucda qaar ay micnahoodu turjumida ku lumaan,sida ay daabacday Japan Times.
Turjumaanada yaraantooda awgeed ayaa sidoo kale waxa ay keentay in ay si wada jira ugu turjumayaan Xeer ilaalinta iyo Burcada.
Qareenada qaar ka mida Burcad badeeda oo hore loogu helay danbiyo ayaa haatan xareeyay racfaano ka dib kolkii ay sheegeen in aaney eedeysaneyaashu helin turjumaad haboon,sidaa awgeedna ay tahay in dib loo maxkamadeeyo.
Waxa haatan ay dalbanayaan ururda u dooda xuquuqda eedeysaneyaasha in turjumaanadu ay yeeshaan aqoon duruqsan oo dhanka Sharciga ah.
“Khaladaadka ay sameeyaan turjumeyaashu waxa ay saameyn balaaran ku keeneysa natiijada dacwada”sidaa waxa yiri Yumiko Terada oo ka tirsan gudida maamusha dalada qareenada Japan.
Burcada Soomaalida ah ee haatan ku jira gacanta Japan ayaa waxa qabtay ciidamada Mareykanka bishan aynu ku jiro 6deedii ka dib kolkii ay isku deyeen in ay afduubtaan markab kuwa shidaalka qaada oo Japan laga leeyahay.
SDN-Tokiyo
contact@somalidiasporanews.com