Warbixin:Soomaali ay saameeyeen dagaaladii Sokeeye oo New Zealand la qabsan kari waayay
Wellington Mar 22,2013(SDN)-Soomaali faro badan oo qoxootinimo ku tegay dalka Zew Zealand ayaa waxa ku adkaaday noloshii dalkaasi,sida lagu xusay warbixin ay daabacday Jaamacada Canterbury.
Xasan Ibrahim oo ah ardey Jaamacada ka barta culuunta waxbarashada oo diyaarinaya shahaadada PhD oo warbixinta isku dubo riday ayaa sheegay Soomaalida sida ba;an uganmuuqato la qabsasho xumida ayaa ka siman in aaney luuqada si wanaagsan ugu hadlin.
Tani waxa ay la xidhiidhaa in ay Soomaalidani Dugsiyada xiriir wanaagsan la leheyn amaba ay dareemeen in aan laga dooneyn.
Caadiyan qoysaskan ayaa kolkii ay dalkoodii joogeen waxa ay waalidiintu Dugsiyada tegi jireen kolka loo baahdo in ardeyga la ciqaabo ama uu khalad galo.
Caqabadaha kale ee warbixinta lagu xusay ayaa waxa ka mida midab takoor,culeys shaqo oo dheeri ah oo saaran Macalimiinta,macalimiinta oo aan waalidiinta wax badan isaga tirin,dhaqaale xumo iyo qaar kale oo faro badan.
New Zealand waxaan ka jirin barnaamijyo qaran oo hagid iyo maalgelin ku filanba aan leheyn si kor loogu qaado aqoonta luuqada Englishka ee Soomaalida.
Xasan Ibrahim ayaa soo jeediyay in Madaxada Dugsiyadu ay soo dhaweeyaan waalidiinta kolka ay caruurtooda dugsiyada qoraan,ayna kulamo joogto ah la yeeshaan walidka,isla markaana ay cid u saaraan is dhexgalka dhaqamada.
Daraasada ayaa xogta ka soo ururisay marxaladaha dhaqan dhaqaale,isbarbar dhiga reer magaalka iyo reer miyiga,aqoonta luuqada Englishka,saboolnimada,xirfadaha shaqo iyo saameyntii dagaalada Sokeeye ee Soomaaliya.
Dhibaatooyinka heysta Soomaalida New Zealand ayaa salka ku haya dhibaatooyinka mudada dheer ka socday Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeesheen shacabka Soomaaliyeed.
SDN-Wellington
contact@somalidiasporanews.com