Wadaad caan oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Masjid kuyaalla Magaalada Dimishiq ee caasimad Syria
Dimishiq March 22 2013 (SDN)– Ugu Yaraan 41-ruux ayaa ku geeriyootay oo uu ku jiro Sheekh Maxamuud Al-Buti oo ahaa Imaamkii Masjid kuyaalla Magalada Dimishiq oo qarax xoogan ka dhacay.
Wakaalada Wararka Sana aya sheegtay in qaraxa ka dhacay Masjidkaasi uu ahaa mid ay ka danbeeyeen Kooxo Argagixiso ah waxaana ay tilmaamtay in kooxahaasi ay xiriir laleeyihiin kuwa dowladda ka soo horjeeda.
Taleefashinka Qaranka dalka Syria ayaa soo bandhigay Muqaalada Meydad iyo dhawacyo kaddib markii uu qaraxu ka dhacay Masjidka kuyaalla Magaalada Dimishiq ee caasimada dalka Syria.
Ciidmada Xorta Syria ayaa sheegay in aysan Mas’uul ka aheyn qaraxaasi lagu laayay dadka badan.
Wadaadkan la dilay oo 84-sano jir ahaa ayaa siweyn u taageerayay Maamulka Bishar Al Asad waxana uu Taleefashinka qaranka dalkaasi uu ka baahin jiray barnaamijyo uu ku taageerayao dowladda hada jirta.
SDN-Dimishiq