|

Madaxweynaha Cusub ee Shiinaha oo booqan doona dalka Ruuska

Bejin March 22 2013 (SDN)– Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jipin ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tago dalka Ruushka halkaasi oo uu kula kulmi doono hogaamiyaasha wadankaasi.

Mas’uuliyiinta wadanka Shiinaha ayaa shaaciyay in Madaxweynaha Shiinaha uu la kulmi doono dhigiisa dalka Ruuska Valadamer Putin kaasi oo ay kawada hadli doonaan Xiriirka labada dowladood ka dhaxeeya.

Labada hogaamiye ayaa sidoo kale ka hadli doona ganacsiga iyo maalgalinta Shiinaha uu kawado qaarada Africa iyagoo dhanka kalana isla soo qaadi doono xaalada cakiran ee ka taagan dalka Syria.

Shiinaha iyo Ruushka ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir cusub waxaana hogaanka cusub ee dalka Shiinihu uu hada doonayaa in la siixoojiyo xiriir kala dhaxeeya Bejin iyo Moscow.

SDN-Bejin

Comments are closed