|

Salaaddiinta Awal Bari oo Ka Hadlay Dhul Beereed Lagu Eedeeyey In ay Weerareen

Hargeysa Mar 21,2013 (SDN) Qaar ka mid salaadiinta, xildhibaanada iyo waxgaradka ka soo jeeda Beel-wenta Ciise muuse ayaa jawaab adag ka bixiyey muran ka bilaabmay dhul beereed ballaadhan oo ku yaalla Agagaarka Tuulada Sheekh Abdaal oo ay shirkadda Sharaabka ee SBI-du hore u sheegtay inay leedahay.

Waxgaradkan ka soo jeeda Deegaanka Gobolka Saaxil iyo Bariga Hargeysa, ayaa si weyn uga soo horjeestay in dhulkaas oo ay ku sheegeen dhul daaqsimeed ku habboon xoolo daaqeen aanay cidna ka ogolaan doonin inay iska oodato ama iska sheegataba.

Salaadiintan iyo wax garadkan oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay Huteel Guleed ee magaalada Hargeysa ayaa waxba kama jiraan ka dhigay warar soo baxayey oo sheegayey inuu wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Somaliland ku lug lahaa muran iyo gacan ka hadal dhawaan dhex maray dadka deegaankaas la ootay iyo qaar ka mid ah dadkii ilaalinayey dhulkaas.

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh oo ugu horeyn halkaasi hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey cidda weerarka ku soo qaadday beerta shirkadaasi oo hore loola xidhiidhiyey wasiirku xigeenka Amniga “ waxaan halkan ka cadaynayaa inaanu arinkaasi mid waxka jira ahayn warshadda coca-hana inaanay cidna tagin cidna u dhawaan beer ay leedahayna aanay cidi galin, hadii ay wax dhaceena meesha ay ka dhaceen aanay ahayn Gobolkan Maroodi jeex ee ay tahay Gobolka Saaxil oo abdaal agteeda ah oo ay isku haysteen cid reer ka yaga ah, warshadda COCA-hana marbaa la lahaa inan ayaa iibsaday dhulka meeshaana Qoraal horena wuu ka yaallay Dawladuna way nala ogayd Wasaarada macdanta iyo biyhuna waxa ay tidhi meesha Beer lagama dhigi karo, xero xoolaad baanay noo tahay anaga” ayuu yidhi Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh.

Suldaan Cismaan Ibraahin Aw-maxamud oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inaan dhulka xoolu daaqaan loo baahnayn in laga ooto oo la hubiyo meesha ay wax ka baxayaan iyo meesha kale, isagoo tilmaamay inaan dhulkaas looga maarmayn xoolaha, waxana uu yidhi, “Waxaan lee yahay cid kasta oo Somaliland Jiritaankeeda Danaynaysa Dhulka dhamaantii in la oodo maahee waa in lays waydiiyo Dhulku siduu ku wanaagsan yahay xoolihiina Hadaan la dabar goynayn deegaan kii in laga fiir sado” Xildhibaan Axmed Xasan Aadan oo ka mida Xildhibaanada Goha wakiilada, islamarkaana ka soo jeeda Gobolka Saaxil, ayaa sheegay inaanay Deegaan kaasi magaciisa cid gaar ahi sheegan karin “Anagu meesha aanu ka hadlayno ee aanu leenahay waa dhul daaqeen waa Abdaal waana meel lawada leeyahay oo la wada daaqo ninka sheeganaya ee imika u socdaa meel qof kali ahi magaceeda sheegan karo maaha ee waa la wada daaqaa, ninbaa waraaq u sitana iyada oo ay umad kale taallo masuurtoobayso, caqliga fayoobina ma aqbali karo in shakhsi qudhi iska qoondaysto dhul baahida intaa le’eg shacabku u qabo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Xasan Aadan.

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan ayaaa isaguna sheegay inay Warshadaasi soo dhaweeyeen oo ay Deegaamla Jaleelo dajiyeen, halkaasina aanay wax dhibato ahi aka jirin, islamarkaana shacabku deegaanku ixtiraam u hayaan warshadaas wax soo saar ee Deegaankaas laga hirgeliye, waxana uu yidhi, “Beerta ay leedahay warshada ee la leeyahay dhirbaa laga goo-gooyey iyo matooro ayaa laga Gubay, horta warshada annagaa ayaa dajinay jaleelo, soodhawaynay waanay dagan tahay wax laga gubay iyo dhibtoona ma jiro ee waataa shaqaynaysa, arinkana wuxuu taagnaa mudo dhawrbilood ah oo uu ku soo noq noqonayey deegaankaasi Dhul daaqsimeedka ah ee xooluhu markay xeebta ka yimaadaan iyo markay tagayaan lagu nasiyo , ayaa anagoo aan wali arag Ganacsadahan la leeyahay inamo yar-yar buu lacag u soo dhiibayaa iyadoo aanay marna arag odayaash deegaanku, waxaanu leenahay Ganacsadaha leh warshada COCA-ha(SBI) Halkaa wax kaaga soconayaa hadaad warqad sidato iyo hadaad laba waraaqood sidato toona marjirto, isaga iyo cid kale toona laga aqbali maayo inay halkaa beer ka dhigaan, waana meesha ay xooluhu daaqaan”.

Jiif Caaqil Axmed Maxamuud Cawad oo ka mida waxgaradka beeshaasi ayaa sheegay inay hore ugu diideen in dhulkaasi beero laga dhigo, waxaanu tilmaamay inay xooluhu daaqaan xooluhuna yihiin lafdhabarta dhaqaalaha, loona baahan yahay in dhulka ay daaqaan aanay noqonayn beero, waxaanu wasaarada arimaha Gudaha u soo jeediyey inay laga joojiyo” waxaanu leenahay wax beer ah oo aanu ka ogol nahay ma jirto deegaankaasi oo aanu odayaashiisii nahay, inan ganacsadaha ahna waxaanu leenahay beer inkugu filan waad haysataaye halkaagaa ku eekow oo fidnada naga daa dawladana waxaanu leenahay meel beero noq karta maaha”  Dhinaca kale jiif caaqil Jaamac Caarre Samatar ayaa isaguna sheegay in haddii deegaankaasi wax laga qaban waayo ay fidno ka dhici doonto, isaga oo sheegay inaanay halkaasi ahayn meel beer noqon karta oo ay xoolaha woqooyi loo wado iyo kuwa ka yimaadaa ku nastaan loona baahan yahay in la ilaaliyo, waxana uu tilmaamay inaan dhul intaa le’eg qof kaliya ahi iska oodan Karin amaba sheegan Karin.

Muuse Xirsi Abokor (Muuse-Dalab) oo ka mida Gonacsatada beeshaasi ayaa tilmaamay inaan meesha reer ahaan loogu diidayn balse ay meeshu tahay dhul ay xooluhu daaqaan oo damiirka fayoobi diidayo in ood lagu wareejiyo dhul cid kasta oo reer Somaliland ahi u baahan tahay, waxana uu talo ahaan ku soo jeediyey in mulkiilaha sheeganaya dhulkaasi uu meel uu wax ka beerto am si kaleba uga faa’iidaysto uu ka raadsado Deegaanka jaleelo ee uu warshadda ka samaystay.  Murankan la xidhiidha dhul beereed cabirkiisa lagu sheegay ilaa 5-km oo isku wareeg ah, ayaa waxa uu bilaabmay muddo haatan lagu joogo ilaa bil, waxana uu mulkiilaha dhulkaasi sheeganayaa inuu xaq u leeyahay inuu sida uu doono ugu faa’iidaysto dhulkiisa maadaama uu lacag geliyey, halka shacabka deegaankaas ku dhaqanina ay sheeganayaan inaan dhulkaasi haba yaraatee aanu ku haboonayn in la iska ooto amaba wax laga beetrto, iyagoo ku adkaysanaya inuu dhulkaasi ka caagan yahay in wax laga beerto sababo la xidhiidha baahi muuqata oo ay xooluhu u qabaan awgeed.

HUBAAL

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed