Olaha ka dhanka ah Kufsiga oo Hoos u dhigay Heerkii Kufsiga (Warbixin)
Muqdisho March 21 2012 (SDN)– Tan iyo markii uu bilaawaday Ololaha La dagaalanka Kufsiga iyo Xadgudubyada loo geysanayo Haweynka Ku dhaqan Xiryaha Barakacayaasha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la dareemayaa in hoos u dhac weyn uu ku yimid kufsigii ka dhicijiray Xiryahaasi.
Ololahaasi waxaa horkaceysay Xildhibaanada heerka qaran Caasho Xaaji Cilmi taasi oo ah haweeney ku caanbaxday u gargaarida iyo garab istaagi bulshada dhibaateysan ee Soomaaliyeed.
Si aan u ogaano waxbadan oo ku saabsan waxa iska badalay xiyaha barkacayaasha ololahan kaddib ayaa waxaa aan booqanay dhawr xeryood oo kuyaalla Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Iisho Amiin Iikar oo ka mid ah Barakacayasha ku nool xirada Badbaado oo aan la kulmay ayaa ii sheegtay in maalmihii danbe aysan arkin dumar lafara xumeeyay, islamarkaana ay rumeystan tahay in uu hoos u dhacay.
“Aniga halkan waxaan joogaa ilaa iyo markii Abaarta aan ka soo cararay, ayaamo hore kufsi ayaan halkan ka dhici jiray balse maalmahan waxaas waan ka reysanay” Ayaytiri.
Iisho ayaa tilmaamtay in taasi ay uga Mahad celinayaan Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo u istaagtay hormuudna u ah Ololaha looga hortagayo Falka Foosha xun ee lagu kacayo Habalaha Soomaaliyeed.
Khadiijo Axmed Nuur oo ah horjoogaha Kaam Kuyaalla Nawaaxiga Airport-ka ayaa waxaa ay sheegtay in sidii loo bilaabay Olalaha La dagaalanka kufisiga aysan wax Kufsi ah ka dhicin Kaamka ay Madaxda ka tahay kaasi oo ay ku nool yihiin Boqolaal qosas Soomaaliyeed ah oo ka soo caray Abaarihii ku dhuftay Koofurta iyyo Bartamaha Soomaaliya.
Hadal heynta ugu weyn Todobaadkan Warbaahinta Muqdisho ayaa ah Isbadalka uu la yimid Olalaha ay Hogaanka ka tahay Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi kaasi oo looga hortago Kufsiga loogeysanayo haweynka Soomaaliyeed.
Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi ayaa ah Haweeyn siweyn uga shaqeysa Arrimaha Bulshada waxaana ay ku caanbaxday wax u qabashada iyo garab istaagi dadka dhibaateysan iyadoo ku guuleystay in ay wax u qabato dhibanayaal Soomaaliyeed.
Waxaa Xusid Mudan iyo Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilimi ay maalinta Haweeynka Aduunka ee 8da March ay kula dabaal dagtay Haween Soomaaliyeed Xiroo Barakac oo ku taalla Muqdisho halka dadka kale ay hoteelo iyo meelo qaali ah xaflado ku dhiganayeen.
SDN-Muqdisho