Aktarka Reer India ee Sanjey Dutt oo Xukun lagu Riday Maxay Sababtu?
Maxkamada sare ee dalka India ayaa xukuntay mar kale acterka caanka ah ee Bollywoodka ee loo yaqaano Sanjey Dutt in dib loogu soo celiyo Xabsiga,sabab la xariirta doorkii uu ku lahaa Qarax ka dhacay Magaalada Munbai ee dalka hindia 1993.
Jilaaga ayaa damiin ku maqnaa tan iyo sanadkii 2007-dii markii uu racfaan ka qaatay xukunkiisii hore ee Lixda sano,Maxkamada sare ayaa ka qafiifisay iyadoona ka dhigtay shan sano.
Mr Dutt,ayaa qirtay in hub uu ka iibiyay Kooxo weerar Banbaano ah ku qaaday Magaalada Munbai ee dalka hindia sanadkii 2006,isagoona mudo 18-bilood ah waqtigiisa ku qaatay xabsi.
Weerarka Bamka ee ka Munbai ayaa la sheegay inay ku dhinteen 257 Qof,waxaana sidoo kale dhaawac ka soo gaaray 713.
Sanadkii 2006 ayaa Maxkamad si gaar ah loogu xukumo dadka falalka argagaxa geysta,ayaa waxay 100-qof ku eedeeysay inay ka danbeeyeen weerarkaasi,iyadoo 12, ka mid ah eedeysanayaashaasi ku xukuntay Maxkamada xukun dil ah halka 20-kalena lagu riday xukun xabsi daa’in ah.
Manta oo ah qamiis ah ayaa Maxkamada sare ee dalka hindia waxay xaqiijisay xukunka dilka ah ee lagu riday Yakub Memon, oo ka mid ah dadkii ugu cadcadaa ee eedeynta loo soo jeediyay,iyadoo 10 kale oo ka mid ah dadkaasi laga qafiifiyay xukuka.
Qaadiyaasha Maxkamada sare ee dalka India ayaa amarku bixiyay in Mr Dutt uu isku soo dhiibo mudo afar todobaad ah,hadii kalena uu ciqaab la kulmi doono.
Wiilkaan ayaa iska dhalay Aabe hinduu ah iyo hooyo Muslim ah.
Sanjey Dutt,ayaa shaca ka qaaday in hubka uu ahaa mid lama huraan ah si uu ugu difaaco Qoyskiisa,isagoo arintaasi u sababeeya xilli lagu guda jiray Banaanbax ay dhigayeen Hindu-Muslim1993,taasi oo la xariirtay burburkii hinduugu ay u geysteen Masjidka lagu Magacaabo Badri ee ku yaala Mgaalada Waqooyi ee Ayodha.
Jilaagaan ayaa caanaka ah caalamka iyo dalka Hindia,isagoona lagu xasuusto filimaan can ah oo uu soo jilay.
SDN