|

Maayar Ku Xigeenka Caasimada oo Kulan la Yeeshay Gudiyada Nabad galyada ee Hargaysa

Hargaysa 21.March (SDN)   Maayar ku xigeenka caasimaadda Hargaysa ahna ku simaha Duqa caasimadda ayaa maanta kullan la yeeshay  gudoomiyayaasha dagmooyinka iyo guddiyadda nabadgalyadda caasimadda.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen Taliyayaasha ciidankla bilayska qaybaha Bariga iyo galbeedka  caasimada Hargeysa iyo Hogaanka howl-gelinta ciidanka Booliska, Waxa ugu horayn halkaasi  war-bixino   maayir ku xigeenka ku siiyey  Gudoomiyayaasha degmooyinka caasimadu ka kooban tahay, waxaanay ka warameen xaaladaha amniga iyo baahiyaha gaarka ah ee demooyinka.

Gudoomiyayaasha degmooyinka Caasimadu waxakale oo ay sheegeen in degmooyinka qaarkood ay dhibaato ka haysato dhalin-yaro ay sheegeen inay  is-ticmaalaan  mukhaadaraadka oo waqtiyada habeenkii rebshado ka sameeya degmooyinka qaarkood.

Waxa  kale oo iyana halkaasi ka hadlay Taliyayaasha qaybaha bariga iyo Galbeedka ee ciidanka Booliska ee caasimadda iyo  hogaanka howl-gelinta ciidanka bilayska . Kulankaasi waxa soo geba gebeeyey  Maayir ku-xigeenka , ahna ku simaha  Maayirka Caasimada Mud, C/casiis maxamed Xaashi, waxaanuu  ku dheeraaday sida ay nabadgelyadu u tahay  tiirka nolosha,  waxaanuukukladardaarmay Gudoomiyayaasha degmooyinka inay fiiro gaar ah iyo feejignaan ka yeeshaan ilaalinta nabad-gelyada, wixii  ay  u arkaan inay nabad gelyada wiiqi kartana ay la soo  socodsiiyaan  ciidamada amniga.

Mud, C/casiis Maxamed Xaashi waxa uu kula dardaarmay  masuuliyiintaa kulanka ka soo qayb galay inay yeeshaan wada shaqayn iyo iskaashi, layskuna xidhnaado. Waxaanu guddiyada nabad-gelyada degmooyinka si gaar ah ugula dardaarmay inay ilaaliyaan nadaafadda  xashiishkana  layska hagaajiyo.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed