Xuska Maalinta Biyaha Adduunka oo Somaliland si weyn looga Xusay Xili lagu Jiro abaar Xoogan
Hargaysa 21.March (SDN) Munaasibad lagu xusayey Maalinta Biyaha aduunka oo kubeegan maalinta berrito ee Jimcacaha ah, ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa.
Munaasibada Xuska maalinta Biyaha aduunka oo ay ka soo qayb galeen wasiirka wasaarada Beeraha , Agaasimaha Guud ee wasaarada Qorshaynta,ku simaha agaasimaha Guud ee wasaarada Mac-danta iyo biyaha iyo hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin , waxa ugu horayn halkaa ka hadlay wasiirka Beeraha Prof, Faarax Cilmi Geedoodle, isaga oo ku dheeraaday qiimaha ay biyuhu u leeyihiin nolosha iyo horumarka. Waxaanuu wasiirku sheegay in hal qabsiga sanadkan ee la xidhiidha mudnaanta biyuhu uu yahay: Is-kaashiga xagga Biyaha ayaa lagu gaadhi karaa Horuumar.
Mud, Geedoole, waxa uu intaa raaciyey in Wasaaradda keliya oo ah wasaarada Mac-danta iyo Biyaha aanay keligeed dabooli karin Baahida loo qabo biyaha.waxaanuu wasiirku sheegay in Biyaha dhulkeena hela xili roobaadka ay u dhaafaan dhinaca badda oo aan laga faa’iidaysan. Sidaasi darteedna loo baahan yahay in biyaha ina dhaafaya aynu kafaa’iidaysano.
Agaasimaha Guud ee wasaarada Qorshaynta Qaranka ,oo isna munaasibadaa xuska maalinta biyaha adduunka ka hadlay waxa uu tilmaamay in biyuhu ay yihiin nolosha aadamaha iyo noolaha kaleba, meeshii aanay biyo jirina aanay nololi jirin.
Agaasimaha Guud waxa uu sheegay in wasaaradda qorshaynta Qaranku ay hore u samaysay qorshaha shanta sanadood, qorshahaasi oo uu sheegay in ay mud-naanta siiyeen Biyaha.waxaanuu intaa ku daray in ay lagama-maar-maan tahay in biyo xidheeno la hirgaliyo si aynu ula soo baxno wixii aynu quudan lahayn ,waxaanuu sheegay inay xukuumadda ka go’an tahay siday wax uga qaban lahayd dhinaca biyaha.waxa kale oo ka hadlay halkaas mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha caalamiga ah ee munaasibadda ka soo qayb galay.
Agaasimaha Waaxda Macdanta ee wasaarada Mac-danta iyo Biyaha,ahna ku simaha Agaasimaha Guud ee wasaaradaas Mud, ibraahim shire Maxamed ayaa isna munaasibadaa ka sheegay,inay jiraan dedaal iyo qorshayaal lagu hor marinayo sidii caasimadu u heli lahayd biyo ku filan.waxaanuu ka waramay dedaalka wasaarada ee dhinaca biyaha.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com