|

Madaxweyne Obama oo la kulmi doona Hogaamiyaha Falastiiniyiinta

Danta Galbeed March 21 2013 (SDN)– Madaxweynaha dalka Maraykanka Brakc Obama ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu la kulmo Hogaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabas Abuu Masim kaddib booqasho uu ku tagay Bariga Dhexe.

Obama oo shalay gaaray deegaanada ay ka taliyaan Maamulka Isreal ayaa waxaa la filayaa in kulanka uu la yeelanayo Maanta Maxamuud Cabas Abuumasim ay ku hadal qaadi doonaan Arrimaha ku aadan Wada hadalada Nabada ee Falastiin iyo Israel.

Kulanka Obma iyo Maxamuud Cabas ayaa ka dhici doona Daanta Galbeed halkaasi oo Amaankeeda Aad loo adkeeyay.

Madaxweynaha Maraykanka Obama oo shalay ka hadlayay Israel ayaa waxaa uu sheegay in Israel ay tahay xulufada ugu weyn ee uu Maraykanku leeyahay taasi oo ka careysiisay Mushtamaca Falastiiniyiinta.

Waa booqashadii ugu horeysay ee uu Obma ku tagayo Bariga dhexe tan iyo Markii dib loogu soo doorta Aqalka Cad ee dalka Maraykan bilooyin ka hor.

SDN-Daanta-Galbeed

Comments are closed