|

Puntland oo faah faahin ka bixisay dad la soo afduubtay oo ay qabteen

Garoowe March 21 2013 (SDN)– Kadib markii shalay ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ay gacanta ku dhigeen shan hablo oo la sheegay in laga soo afduubtay deeganada koonfurta Soomaaliya ayaa arintaasi waxaa faah-faahin ka bixiyay Wasaarada haweenka ee Puntland.

Agaasimaha waaxda daryeelka caruurta Aamino Maxamuud Nuur ayaa sheegtay in hablahaan lagu qabtay Koontaroolka Magaalada Garoowe xilli ay wadeen labo nin.

Waxa ay sheegtay in hablahaan laga kala keenay deeganada kala ah Balcad iyo Xawaadleey oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe iyo sidoo kale Magaalada Muqdisho iyadoo ragii soo afduubtay hablahaasi iminka ay gacanta ugu jiran ciidamada ammaanka ee Puntland.

Agaasimaha waaxda daryeelka caruurta Aamino Maxamuud Nuur ee maamulka Puntland ayaa sheegtay in hablahan iyo ragii waday lagu qabtay markii hore Magaalada Gaalkacyo kadibna lasiidaayay iyadoo ragii waday ay ku wareejiyeen rag kale oo Boosaaso kasoo tagay iminkase ay xidhan yihiin ragii lagu wareejiyay.

Ilaa hada waxaan la aqoon ujeedka ragan lagu qabtay hablaha iyo waxa ay doonayeen kasokoow inay hablaha soo afduubteen iyadoo arintani ay tahay mid dareen leh maadaama hablo gaaraya shan hablood oo saddex goobood laga kala keenay mida ugu weyna ay jirto 9-sano afduubkaasi loo geesto.

SDN-Garoowe

Comments are closed