|

Hal-doorka Deegaanka: Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, W/Q Siciid Gahayr (Hargeysaawi) Qaybta 1aad. Inbox x

Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare waxa ay ka mid tahay haweenka Somaliland ee guusha ka gaadhay horumarinta naftooda iyo dalkooda, iyada oo ka mid Guddigii u horreeyay ee Doorashooyinka Somaliland ayaan bartay. Waagaas waxa ay ahayd haweenayda keliya eek u jirta guddigaas. Hadda oo aasaaska Komishanka laga joogo ugu yaraan 11 sanno ma ay dhicin in gabadh kale komishanka ka mid noqoto. Muddadaas waxa ay hirgeliyeen hannaanka doorasho iyaga oo qabtay Doorashooyinkii Golaha Deegeenka 15/Dismeber/2002, Madaxtooyada 14/Abril/2003 iyo Golaha Wakiillada 29/Sebtember/2005. Sidoo kale waa Guddoomiyeha Haayadda Candle-light oo waxqabad weyn waddanka ka geysatay gaar ahaan dhinacyada Deegaanka, Waxbarashada, dakhli-abuurka iyo Caafimaadka.

 

13/06/2011-ka ayaan curiyay tix magaceedu yahay Hal-door, oo aan ku xusay dhacdooyin iyo dad mudan ah oo door weyn ugu jira Somaliland kala ahna siyaasiyiin, saxafiyiin, guurti, haween, ganacsato, aqoonyahan iyo qaybo kale, taas oo laba ku ahayd gabayga Hal-maal la yidhaahdo ee Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Hal-deeq” ku xusay goobo, gooro iyo diricyo muhiim ku ahaa halgankii SNM…

 

Shukri waxa aan ku xusay qaybta deegaanka, meerisyada ay ku jirtayna waxa ay ahaayeen:

Markuu dal-sankii hiqleeyay

Halaagga dhirteenna gaabshay

Degaan Shukri baa u hiil ah

 

Intii ka dambaysay maansadaas iyo wakhtiyo horeba waxa ay ku guuleysatay billado badan heer adduun iyo mid qaranba ah oo ay heshay meelo ay ka mid yihiin Dalladda Nagaad, Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga Somaliland, Dalka Mareykanka iyo Barnaamijkii qiimee qofkaaga oo ay ka mid ahayd 100-kii ee ku guuleystay codkii bulshada, gaar ahaanna qaybta deegaanka.

 

Muddo ayaan doonayay inaan ka duubo barnaamijka Sooyaalka Hal-doorka. Laakiin qaddarka Alle waxa ii suurogashay inaan xidhiidh toos ah la yeesho kowdii bisha saddexaad, 2013-ka oo aan helay taleefankeeda gacanta (mobile), waxa aan u diray farriin gaaban oo arrinka taariikhda la xidhiidha si gobanimo leh ayaanay ii soo dhawaysay aniga oo ka socday Hadhwanaagnews.com, inaanu is-aragno waxa kaalin mudan ka qaatay C/Qani Saleebaan Maxamed oo ka mid ah masuuliyiinta haayadda ay xilka ugu sarreeya ka hayso. Maalin Isniina, 04/March/2013-ka ayaannu 9:30 arooryo ku ballanay xarunta Candle Light, iyada oo xafiiska joogta ayaan la yeeshay xog-weydiin ku saabsan geeddiga iyo hanaqaadkeeda nololeed oo dhammayd laba iyo konton daqiiqo (mirir) oo ah kuwa ubucda u ah qoraalkan aan sameeyay. Dharaartaas waxa ila socday jaallahay Axmed-Yaasiin C/Raxmaan Axmed (Dool)

 

Bariido iyo soo-dhawawyn gacaltooyo ayaannu is-weydaarsannay, intii aanan weydiimahayga bilaabin ayaa ay tidhi “Eddo, dhammaan bulshadeennu waa hal-door. Bal eeg dadkaas danyarta ah ee nabadda kaga shaqaysanaya waddankooda amaantana mudan. Haddii ay qas sameeyaan cidina waxba ma qabateen waan ku farxaa markaan dhaayaha saaro”. Cabbaar ayaannu sheeko guud wadaagnay.

 

Su’aashii koowaad ee aan weydiiyay waxa ay ahayd “Gu’gii iyo goobtii ay ku dhalatay?”. Marwo Shukri waxa ay ka rumeysay maahmaahdii ahayd “Gabadh ha weydiin da’deeda, ninna ha su’aalin musharkiisa”, iyadoo ku jawaabtay “Bismillaahi raxmaani raxiim. Eddo waad salaaman tihiin giddigiin marka hore. Anigu Hargeysa ayaan ku dhashay wakhti horena way ahayd, kollay qof weyn oo ayeeyo ahuun ka soo qaad illeen dumarku da’dooda ma sheegaane. Mar hadday carruurtu ubad leeyihiin qof ayni badan jiray baan ahay oo ma da’yari”.

 

Aabbeheed waxa uu geeriyooday iyada oo da’yar, korriinkeeda iyo kobcinta walaaleheedna waxa dhabarka u ritay Alle ha u naxariistee hooyadood Xaaji Kaaha Yuusuf Ducaale, iyadoo ka hadlaysa hawlkarnimada iyo hannaankii ay hooyadood u barbaarisay waxa ay tidhi ” Alle ha u naxariistee waxa ay hooyaday ahayd qofka la yidhaahdo shakhsi ka dhex mudhay milyan ruux (one in a million) ama hooyo meteli karta hooyooyinka Somaliland, door weynna ka qaadatay korriinkayaga iyo inaannu aqoon helno annagoo wakhti hore agoon ah iyadoo dadka waxbartaa yaraayeen, hablaha tacliintu ku cusub tahay ayay na siiyay fursad aannu cilmi ku baranno. Iyada oo aan tacliin lahayn, ahayd qof suuqa khudaarta ku iibisa”. Hooyadeed waxa ay geeriyootay horraantii sannadkan 2013-ka iyada oo cimrigu ku simay inay goobjoog u ahaato carruurteeda oo hanaqaaday, magac iyo milgena yeeshay, kana furtay masuuliyaddii qoys. Laakiin marnaba lama gudi karo abaalka waalidku ay ku leeyihiin dhallaankooda.


La soco qaybta 2aad haddii Alle idmo


Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA) 

saedmgahair@hotmail.com

 /;vfg 8

Comments are closed