|

Garsoore Cismaan Ibraahin Daahir oo ah garsooraha xukumay boqor Rabi oo ka warbixiyey sharciga loo adeegsaday

Hargeysa Mar 20,2013(SDN)-Garsoore Cismaan Ibrahim Daahir oo ka waramay Xukunka boqor Raabi ayaa waxa uu sheegay in xukunka boqorka loo adeegsaday xeerka ciqaabta guud, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi “boqorka waxa lagu xukumay  laba sanadood oo xadhig ah, waxaana loo cuskaday qodobka 212 ee xeerka ciqaabta guud, waxaanu ka qayb galay shirar ka soo hor jeeda qaranimada Somaliland, waxaanu  ka mid ahaa  dadkii xulay baarlamaanka somaliya, fasax la,aana waxa uu ku tagay dalka somaliya”.

Garsooraha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “kolay dacwadani waa tii u  horaysay  ee I hor  timaada, wax horana maan arag, kuwa kale ee ficilada noocan ah ku dhaqaaqana waxa nooga qorshaysan inay la mid noqon doonaan boqor Raabi”.

Dhinaca kale Maxamed Axmed Abokor oo ah  qareenka u doodayey boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo isaguna ka hadlay xukunka lagu riday boqorka ayaa sheegay inaanu xukunkaasi ahayn mid cadaalada, isla markaana waxa uu xusay in qodobka loo cuskaday xukunka boqorku aanu ahayn kii  ku haboonaa.

Qareenku waxa uu sheegay in boqor Raabi uu dalka somaliya u tagay hawlo u gaara oo la xidhiidha hanti uu ku leeyahay, isla markaana waxa uu xusay inay hore xukuumada Somaliland u fasaxday inay isku socon karaan labada shacbi ee Somaliland iyo Somaliya, taas oo fasaxaysa in shacabka Somaliland ay  tagi karaan wadanka Somaliya isla markaana ka soo noqon karaan.

Qareenku waxa uu sheegay inay anbiil ka qaadan doonaan xukunka ku dhacay boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi, isla markaana aanay aqbali doonin.

Si kastaba ha ahaatee xukunka lagu riday boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo lagu eedeeyey inuu fasax la,aan ku tagay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya isla markaana ka qayb galay shirar ka so hor jeeda  qaranimada Somaliland ayaa kusoo beegmaysa wakhti dad badan oo  reer Somaliland ahi tagayaan wadanka somaliya, inkasta oo ujeedada ay  u tagayaan kala duwan tahay.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed