Ilaalada Madaxweyne Cabdi Iley Oo Maanta Si Xun Qudha Uga Jaray Nin Ganacsade Ah Oo U Dhashay Somaliland Degmada Ina Buur Muuse Wakhti Uu Madaxweynuhu Ku Sugna Gaashamo
Gaashamo We-20-March-2013(SDN)– Ciidamadda ilaalada gaarka ah u ah madaxweynaha maamulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Iley ayaa maanta duhurkii waxay si fool xun qudha uga jareen nin ganacsade ah oo alla ha u naxariistee la odhan jiray Warsame Saleeban Haybe Dubbe oo reer Somaliland ah kana soo jeeda beesha Habarjeclo Aadan Madoobe oo reer Xaaji Ah, ninkani oo ay ku dileen degmada Ina Nuur Muuse oo ka tirsan degmada Gaashamo wakhti uu halkaasi ku sugna madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Iley ayaa wararka ay Halbeegnews heshay tibaaxayaan in maydkiisu uu in muddo ah dhulka yaallay.
Dilka ninkani ganacsadaha ah ee aan waxba gallabsan oo ilaaladda Cabdi Iley ku dileen deegaankaasi ayaa dhashay ka dib markii gaadhi nooca xamuulka qaada ah oo uu la socday ay ku qabteen deegaankaasi ka dibna ay xoog kaga soo dejiyeen iyagoo bilaabay inay boobaan hantidii baabuurkaasi saarnayd ka dibna uu marxuumka alla ha u naxariistee ganacsadaha ah Marxuum Warsame Saleeban Haybe Dubbe uu isku dayey inuu ka difaaco hantida ay dhacayeen waxaana ay askartaasi garba duub u xidheen ninka ganacsatada ah oo alla ha u naxariistee ay rasaas kala dhaceen laabta iyo dhafoorka.
Wararka aanu hellay ayaa xaqiijinaya in gaadhigii iyo allaabtii saarnaydba ay kaxaysteen oo ay ku wareejyeen ciidamadda Liyuu Booliiska oo iyaguna la gallay dhinaca iyo magaalada Wardheer ee dhulka Ogaadeenku dego ah.
Dilkani foosha xun ee ninkani muwaadinka u dhashay reer Somaliland lagula kacay ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxweynaha maamulka Soomaalida Ethiopia oo ah afmiishaar mu’aamaradaysta ahi uu socdaal ku joogo degmada Gaashamo oo 20 km dhinaca hawdka kaga beegan isla tuuladdani yar ee lagu dilay marxuumkani alla ha u naxariistee Marxuum Warsame Saleeban Haybe Dubbe.
Askarta Liyuu Booliiska iyo ilaaladda Cabdi Iley ayaa ah xubno isir dagaalamaya oo fara baas ku haya dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, waxay dhawaan laba askari ku toogteen gudaha magaalada Wajaale, halka ay dhawr jeerna dad ku laayeen degmooyinka Balidhiig ilaa Allaybaday oo xuduudka ilaa berri iyo galbeed ku taxan Somaliland ay la leedahay Ethiopia.
Dilkani ugu danbeeyey ayaan habayaraate xukuumadda Somaliland aanay ka hadal.
SDN-Gaashaamo
contact@somalidiasporanews.com