R/wasaaraha Soomaaliya Saacid oo kulan La qaatay Qabiir Ka socda Qaramada Midoobay
Muqdisho March 20 2013 (SDN)— Raii’sal Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta kula kulmay Muqdisho qabiir madax banaan oo qaabislan dhinaca xuquuqul aadanaha oo ka socday Qaramada Midoobay kana mid ah gudi gaar ah qubaro ah oo ay Qaramada Midoobay u xilsaartay arimaha bini’aadanimada Soomaaliya.
Qabiirkan oo lagu magacaabo Dr Shamsul Baari aya markii kulankoodu soo idlaaday siwadajir Shirjaraai’d ku qabteen Raii’sal Wasaaraha Soomaaliya.
Raii’sal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siinayso ilaalinta xuquuqda aadanaha waxa uu tilmaamay inay in horumarinta arimaahsi ay ka wada hadleyn qabiirka.
Dr Shamsul Baari oo isaguna shirkajaraai’d ka hadlay waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin dhinaca bini’ aadinimada waxa dhankiisu sheegay in Qaramada Midoobay ay taageero buuxdo ka siinayso dowlada Soomaliyaa arimahaasi.
“Mustaqbalka Soomaaliya gabi ahaantiis waxaa weeye mid xil inaga saaran inaga oo idil,marka Soomaaliya waxaa u rajeynayaa musqtaqbal wanaasan”
“Hay’adaha xaquuqda aadanaha dhamaantood waxay qeyb weyn ka qaadanayaan sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha bini-adanimo ee dalka Soomaaliya ka jirta”
Sidoo kale Dr Shamsul Baari ayaa yiri “Waxaan jeclaha midowga iyo sinaanta Soomaaliya taasi oo muujineysa horumarka Soomaaliya iyo dib u dhiska”
Marka laga hadlayo kufsiga iyo tacadiyada loo geysanaayo haweenka Soomaaliya waa dhibaatada ugu daran ee Soomaaliya ka jirta,waxaan rajeynayaa in laga bixi doono arintaasi islamarkaana hay’adaha xaquuqul insaankana xukuumada Soomaaliya ka gacan siindoonaan sidii arintaasi meel loo saari lahaa ayuu raaciyay hadalkiisa.
Soomaaliya ayaa lagu sheegaa inay kamid tahay wadamada inta badan lagu tiriyo inay ka dhacaan tacadiyada la xiriira bini aadamnimada.
SDN-Muqdisho