|

China oo Mareykanka si farsameysan uga xaday xog Nuclear ah

Washington Mar 20,2013(SDN)-Dawlada China ayaa lagu eedeeyay in ay maalinba maalinta ka danbeysa la soo baxeyso farsamooyin hor leh oo ay xog uga xadeyso dalalka reer galbeedka.

Hore waxa a u sameysay in ay xog ganacsi iyo mid ciidanba uga urursatay reer Galbeedka tiyoo ay China u martay Computerada iyo E-mailada oo la jabsado.

Balse qisadan u danbeysay ayaa China waxa ay isticmaashay Haweeney qurux badan oo da’a yar.

Maalinimaadii Jimcaha ayaa ciidamada FBIda ay xabsiga dhigay nin u shaqeyn jiray wasaarada difaaca ee dalka Mareykanka.

Benjamin Pierce Bishop, oo 59 jir ah ayaa waxa loo adeegsaday gabadh China u dhalatay oo 27 jir ah.

Gabadha ayaa ninkan ka gurtay xog baahsan oo ku saabsan Nuclearka Mareykanka.

Bishop ayaa lagu soo oogay laba danbi oo kal ah in uu xog la wadaagay ruux aan mudneyn iyo in uu xog iibiyay.

Qisadan ayaan si waafi ah loo baahin sababo la xidhiidha shuruucda lagu dhawro xigaha qaran.

SDN-Washingtom

contact@somalidiaspo

Comments are closed