|

CAWKE IYO FILIM-KIISII U HOREEYAY IYO AKTERNIMADISII U’HORAYSAY

Hargeysa Mar 19,2013(SDN)-Wariyaha soomaaliyeed ee rug cadaaga ah Ahmed Hasan Cowke oo muddo dheerba looga bartay in uu ahaa wariye idaacadaha iyo TV-yaasha wararka iyo barnaamijyada ka tebiya, ayaa haatan u baqoolay waji cusub oo aan horey loogu arag, isagoo noqday atoore ama jilaa, haatan ayuuna wariye Cowke ku mashquulsan yahay filimkiisii ugu horeeyay oo la magac baxay (I am) ama (waxaan ahay).
Filimkaan ayaa lagu jilayaa magaalada Hargeysa iyo hareeraheeda ayadoo goos goos ka mid ah iyo waliba diyaar garowgiisaba lagu soo qaatay barnaamijka caanka ah ee Harar iyo hargeysa ee uu daadihiyo wariyaha kale ee rug cadaaga ah ee Abdisalaan Hareeri.
Filimkaan oo aan wali la dhamees tirin balse sida la sheegay dhowr maalin qaadan doona, ayaa waxaa la sheegay in muhiimadiisu tahay in looga hadlo dhaqanka soomaalida iyo qaabka ay qabyaalada iyo kala qoqobnaantu uga dhex jirto, ayadoo sidoo kale filimkaan ay howl wadeeno ka yihiin qubaro dhanka filimaanta ah oo isugu jira soomaali iyo ajnabi cadaan ah.

Arinka la yaabka leh ee filimkaan ayaana ah in Ahmed Hassan Cowke uu ka yahay atooraha ama jilaaga ugu weyn ee daadihinaya filimkaan.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed