|

Al shabab oo magaalada Xudur si fool xun ugu dilay sheekh Caana

Xudur Tue-19-March-2013(SDN)-Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame, ayaa ka mid ahaa culumaaudiinka ugu magaca dheer gobolka Bakool.

Maanta ayaa meydkiisa la helay. .

Sida ay sheegeen dadka deegaaanka waxaa Alshabab ay dibadada soo dhigeen madaxa Sheekha iyaga oo diiday in la aaso.

Alshabab ayaa Xudur la wareegtay kadib markii sadax maalin ka hor ay isaga baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda.

Gobolka Bakool ee Soomaaliya, waxaa dib u qabsaday xarakada shabab kadib markii ay ka baxeen Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dawladda somalia. Waxaa gobolka laga sheego dareen iyo cabsi. Waxaa kale oo wal wal galay dadka gobolka Bakol oo meelo ka mid ah shababku xukumo. Dawladda Ethiopia iyo tan Soomaaliya midna si rasmi ah ugama hadlin sababta ciidamada laga soo saaray Bakool.

Waxaase shaki la’aan ah in ay dib u dhac u keeneyso dadaalkii iyo qorshihii hore loo dejiyey ee ahaa in gobolada somalia laga wada saaro xarakada al-Shabab.

Haddaba, Cabdiwahid Sheikh Cabdisamad, oo ah bare wax ka dhiga jaamacadda Nairobi, ayaa ka bixitaanka Itoobiya ku tilmaamay mid ku timid Ethiopia, oo aan ku qanacsanayn tallaabooyin badalka dhinaca maamulka ciidamada iyadoo ciidamada Ethiopia ay goobaha ay ku sugan yihiin la joogaan ciidamo Soomaali ah oo Ethiopia lagu soo tababaray.

Ethiopia ayuu sheegay in ay xoogga saarayso suggidda ammaanka dalkeeda, iyadoo isla markaana raadinaysa cid ay ku kalsoon tahay oo u ballanqaada sugidda ammaankeeda.

Dhinaca dowladda Soomaaliya ayaa Cabdiwahid sheegay in ay u baahan tahay in dhismaha ciidamo awood badan oo sugi kara ammaanka dalka oo dhan.

SDN-Xudur

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed